Zinedine Zidane Oo La Wareegaya Kooxdii Uu Mar Kale Dunida Ku Qabsan

Kooxda kubadda cagta PSG ayaa u dhaqaaqaysa tababaraha reer France ee Zinedine Zidane oo dhowaan iska casilay Real Madrid oo uu eedaymo na usii jeediyey Florentino Perez, waxaanu beddelayaa Mauricio Pochettino oo dalbaday inuu iska tago.

PSG ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyey aan marnaba ka maqnaan warbaahinta ciyaaraha, waxaana inta badan la hadal hayay Mauricio Pochettino oo lix bilood joogay kooxdaas, laakiin doonaya in uu iska tago, isla markaana ku laabto kooxdiisii hore ee Tottenham.

Pochettino oo bishii January loo magacaabay tababaraha PSG, ayaa lix bilood oo uu joogay Parc des Princes waxa uu la qaaday laba koob, laakiin waxay lagaga guuleystay horyaalka Ligue 1 oo ay Lille hanatay iyo Champions League oo ay ku hadheen semi-finalka.

Tababaraha reer Argentina ayaa mar lagu soo daray liiska macallimiinta ay doonaysay Real Madrid, laakiin waxay tibaaxaha ugu badan sheegayaan in Tottenham uu ku laabanayo.

Si kastaba, wargeyska Le10Sport ayaa sheegay, in PSG ay mar horeba dejisay qorshihii ay ku beddeli lahayd Pochettino oo ay xidhiidh la samaynayaan Zinedine Zidane oo ay gacanta ka gelinayaan koox dhisan oo uu guulo ku gaadhi karo.

Zidane oo xilli ciyaareedkii 2020-21 ay kooxdiisa Real Madrid kaalinta labaad ka gashay horyaalka LaLiga, wax koob ahna aanay qaadin ayaa go’aansaday inuu iska tago, waxaana ay taasi fursad u tahay PSG oo tababaraha reer France oo ay hesho ay keeni karto in heshiis cusub uu saxeexo Kylian Mbappe oo lala xidhiidhinayo Real Madrid.

Weeraryahanka 22 jirka ah ee Mbappe ayaa waxa uu doonayay inuu ka hoos ciyaaro Zidane waqtigii uu Real Madrid joogay, laakiin haddii uu tababarahani tago Paris waxay taasi ka caawinaysaa PSG inuu sii joogo kooxdiisa oo uu u saxeexo heshiis cusub iyadoo qandaraaskiisa horena sannad kali ahi ka hadhsan yahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More