Copa America Oo La Kansalayo, Waqtiga Go’aanka U Dambeeya La Gaadhayo

Madaxweynaha maxkamadda sare ee dalka Brazil (STF) ee Luiz Fux ayaa aqbalay codsi uga yimid wasiir Carmen Lucia oo ka dalbaday in go’aan laga gaadho tartanka Copa America ee dalkaasi martigelinayo.

Wasiirka ayaa codsiga uu u gudbiyey maxkamadda waxa uu ku sheegay, in ay tahay inay joojiso in dalkaasi martigeliyo tartanka Copa America oo dhowaan xidhiidhka kubadda cagta Latin America ee CONMEBOL uu u wareejiyey Brazil, kaddib markii ay ka cudur-daarteen Argentina iyo Colombia oo hore loogu doortay in lagu qabto.

Fayraska Korona ee aafada  ah iyo qas siyaasadeed oo ka jira Colombia iyo Argentina ayaa looga wareejiyey koobka, laaakiin waxay xaqiiqadu tahay, in xaaladda fayraska ee waddanka Brazil ay ka badan tahay ta labada dal ee kale ee laga soo wareejiyey.

Ciyaaryahanadda xulka qaranka Brazil ayaa ku hanjabay in aanay ciyaari doonin tartanka Copa America  haddii dalkooda lagu qabto, waxaanay ku doodeen in iyadoo in ka badan nus malyuun qof ay u geeriyoodeen xanuunkana, farahana uu ka baxay oo uu dhaafay heerkii la xakamayn karayay, in aanay ciyaari doonin tartan lagu qabanayo dalkooda.

Sida uu qoray wargeyska Globe Esporte, maxkamadda sare ee  Brazil ayaa go’aan kama dambays ah ka gaadhi doonta in dalkaasi martigeliyo tartankan.

Go’aanka maxkamadda ayaa soo bixi doona 24 saacadood gudahood oo ka bilaabmaysa saqda dhexe ee habeenka Jimcuhu soo gelayo.

Xaaladda caafimaad ee ka jirta dalkaas awgeed, xisbiga shaqaalaha (PT) iyo Xisbiyada hanti-wadaagga Brazil ee PSB ayaa labaduba kasoo horjeedsaday in tartankan lagu ciyaaro dalkaas.

Khubarada caafimaadka ayaa iyaguna dhalleeceeyey go’aanka Copa America loogu soo raray Brazil oo 463,000 qof ay ugu geeriyoodeen Korona Fayras, isla markaana 16.5 milyan oo qof oo kale uu fayrasku ku dhacay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More