WARBIXIN: 20ka Gool-dhaliye Ee Heerka Sare Ah Ee Ka Qayb-gelaya Euro,

Bobby Lewandowski iyo Kylian Mbappe ayaa hoggaaminaya xiddigaha weerarka ee ugu wanaagsan ee ka qayb-gelaya tartanka Euro 2020 ee Jimcaha bilaabmaya, kaas oo ay sidoo kale ku wehelinayaan 18 ciyaartoy oo kale oo qaab wanaagsan ku jira.

Bal ka fikir cidda ku guuleysan doonta abaal-marinta kabta dahabka ah ee tartanka qaramada Yurub? Waa xiddig ka caawin doona dalkiisa in ugu yaraan uu meelaha dambe soo gaadho.

Qiimayn lagu sameeyey dhaliyeyaasha ugu wanaagsan ee ka  qayb-gelaya tartanka qaramada Yurub ayaa tiradooda laga dhigay 20, waxaana ku jira ciyaartooyo khadka dhexe ah oo goolal kasoo dhaliyey xilli ciyaareedkii dhowaanta lasoo afjaray.

Min Ilkay Gundogan oo 13 gool Manchester City usoo dhaliyey illaa Robert (Bobby) Lewandowski oo 28 gool saxeexay, ayna isku mid yihiin Kylian Mbappe, waxa warbixintani ay soo bandhigaysaa rikoodhka ciyaartoyda laga filayo inay goolal badan dhalin doonaan.

Halkan kaga bogo 20ka dhaliye ee qaabka wanaagsan ku jira ee la filayo inay wacdaraha ka dhigaan Euro 2020:

20) Ilkay Gundogan (Germany)Manchester CityGoolasha: 13Kulamada uu ciyaaray: 32Daqiiqadaha ay ku qaadatay inuu gool dhaliyo: 181

19) Janos Hahn (Hungary)PaksGoolasha:  13Kulamada uu ciyaaray: 17Daqiiqadaha ay ku qaadatay inuu gool dhaliyo: 88

18) Gareth Bale (Wales)TottenhamGoolasha: 13Kulamada uu ciyaaray: 23Daqiiqadaha ay ku qaadatay inuu gool dhaliyo: 81

17) Bruno Fernandes (Portugal)Manchester UnitedGoolasha: 14Kulamada uu ciyaaray: 35Daqiiqadaha ay ku qaadatay inuu gool dhaliyo: 201

16) Lorenzo Insigne (Italy)NapoliGoolasha:  14Kulamada uu ciyaaray: 32Daqiiqadaha ay ku qaadatay inuu gool dhaliyo: 187

15) Memphis Depay (Netherlands)LyonGoolasha: 14Kulamada uu ciyaaray: 23Daqiiqadaha ay ku qaadatay inuu gool dhaliyo: 136

14) Alexander Isak (Sweden)Real SociedadGoolasha: 14Kulamada uu ciyaaray: 25Daqiiqadaha ay ku qaadatay inuu gool dhaliyo: 134

13) Antoine Griezmann (France)BarcelonaGoolasha: 15Kulamada uu ciyaaray: 32Daqiiqadaha ay ku qaadatay inuu gool dhaliyo: 171

12) Romelu Lukaku (Belgium)Inter MilanGoolasha: 15Kulamada uu ciyaaray: 26Daqiiqadaha ay ku qaadatay inuu gool dhaliyo: 143

11) Teemu Pukki (Finland)NorwichGoolasha: 15Kulamada uu ciyaaray: 22Daqiiqadaha ay ku qaadatay inuu gool dhaliyo: 121

10) Wissam Ben Yedder (France)MonacoGoolasha: 15Kulamada uu ciyaaray: 25Daqiiqadaha ay ku qaadatay inuu gool dhaliyo: 116

9) Mislav Orsic (Croatia)Dinamo ZagrebGoolasha: 16Kulamada uu ciyaaray: 28Daqiiqadaha ay ku qaadatay inuu gool dhaliyo: 138

8) Harry Kane (England)Tottenham Goolasha: 17Kulamada uu ciyaaray: 26Daqiiqadaha ay ku qaadatay inuu gool dhaliyo: 131

7) Karim Benzema (France)Real MadridGoolasha: 18Kulamada uu ciyaaray: 27Daqiiqadaha ay ku qaadatay inuu gool dhaliyo: 125

6) Haris Seferovic (Switzerland)BenficaGoolasha: 18Kulamada uu ciyaaray: 30Daqiiqadaha ay ku qaadatay inuu gool dhaliyo: 121

5) Andre Silva (Portugal)Eintracht FrankfurtGoolasha: 19Kulamada uu ciyaaray: 21Daqiiqadaha ay ku qaadatay inuu gool dhaliyo: 97

4) Cristiano Ronaldo (Portugal)JuventusGoolasha: 20Kulamada uu ciyaaray: 30Daqiiqadaha ay ku qaadatay inuu gool dhaliyo: 128

3) Gerard Moreno (Spain)VillarrealGoolasha: 22Kulamada uu ciyaaray: 29Daqiiqadaha ay ku qaadatay inuu gool dhaliyo: 104

2) Kylian Mbappe (France)PSGGoolasha: 28Kulamada uu ciyaaray: 29Daqiiqadaha ay ku qaadatay inuu gool dhaliyo: 87

1) Robert Lewandowski (Poland)Bayern MunichGoolasha: 28Kulamada uu ciyaaray: 22Daqiiqadaha ay ku qaadatay inuu gool dhaliyo:  65

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More