Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou ku qaabbili doonta Juventus toddobaad kaddib, waxaanay ku dagaallami doonaan ciyaar xiiso badan oo ay ku kala qaadi doonaan koobka Joan Gamper Trophy ee ay Barcelona dhigto.Kulankan oo dhici doona August 8, ayay Barcelona xaqiijisay, in 20 boqolkiiba ay buuxin doonto garoonkeeda oo ay taageereyaashu soo geli doonaan, inkasta oo ay jirto khatarta iyo cabsida Korona Fayras.Garoonka Barcelona ee Camp Nou ayay ugu dambaysay in albaabadiisa la furo March 7, 2020 oo ah sannad iyo dheeraad ka…