Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka digay in Iran ay si toos ah u bixin doonto qiimaha weerar kasta oo lagu qaado maraakiibta maraysa Marinka Hormuz, isaga oo ballanqaaday in mar kasta oo Tehran ay rasaas ku riddo markab la burburin doono buundo ama warshad koronto oo Iran leedahay, xilli xiisaddu cirka isku sii shareertay kadib markii Xuutiyiinta Yemen ee Iran la safan ay u hanjabeen marin kale oo muhiim u ah tamarta.
Shan markab oo shidaal qaada ayaa maanta beddelay jihadooda Badda Cas si ay uga fogaadaan Marinka Bab el-Mandeb, maalin kadib markii digniinta Xuutiyiinta ee lagu joojinayo dhoofinta shidaalka Sacuudiga ay muujisay khatar cusub oo soo food saartay qulqulka tamarta caalamka, taas oo ka dhalatay colaadda sii fidaysa.
Shalay, saddex markab oo siday saliidda ceyriinka ah ee Sacuudiga, kuna sii jeeday Shiinaha iyo Hindiya, ayaa dib u laabtay.
Taliska wadajirka ah ee ciidamada Iran ayaa ka digay, sida ay baahisay warbaahinta dowladda, in haddii hanjabaadda Madaxweyne Trump la fuliyo, ciidamada Iran ay weerari doonaan kaabeyaasha saliidda, gaaska, korontada iyo dhaqaalaha ee gobolka, ayna joojin doonaan dhoofinta “xitaa hal dhibic oo saliid ah”.
“Kuwa gacan ka geysta gardarrada noocaas ah, nooc kasta oo taageero ah oo ay bixiyaan, waxaa sidoo kale loo tixgelin doonaa bartilmaameedyo sharci ah,” ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Abbas Araqchi ku sheegay baraha bulshada.
Xannibaadda ku dhowaad gebi ahaanba ah ee Iran ay saartay Marinka Hormuz ayaa sii hurisay sicir-bararka dunida oo dhan, halka khatarta dheeraadka ah ee Xuutiyiinta—oo haysta dhul u dhow Marinka Bab el-Mandeb—ay ku hayaan maraakiibta ay qiimaha saliidda gaarsiisay heer ku dhow kii ugu sarreeyay lix toddobaad gudahood.
Malaayiin fuusto oo saliidda ceyriinka ah ee Sacuudiga ah ayaa maalin kasta loo weeciyay dekedda Yanbu ee Boqortooyada ku taalla Badda Cas, si looga gudbo Marinka Hormuz.
Haddii maraakiibta shidaalku ay awoodi waayaan inay maraan marinka koonfureed ee Badda Cas, marinka keliya ee waqooyi ee haraya wuxuu sii maraa Kanaalka Suweys, waana wareeg safarrada ku dara toddobaadyo isla markaana si weyn u kordhiya kharashaadka xamuulka iyo transit-ka.
Trump oo galay ‘dhooqo siyaasadeed’, ayuu yiri mas’uul Iranian ah
Weerarrada Mareykanka ayaa ka gudbay koonfurta Iran, kuna fiday qaybaha galbeed iyo bartamaha dalka.
Tehran ayaa toddobaadkan duqeysay xarumo muhiim ah oo biyaha lagu macaaneeyo iyo kaabeyaal tamareed oo ku yaalla Kuwait, waxayna bartilmaameedsatay hanti ciidan oo Mareykanku ku leeyahay halkaas, iyo sidoo kale Bahrain iyo Jordan.
Taliyaha Guud ee Ciidanka, Sarreeye Gaas Amir Hatami, ayaa sheegay in Iran ay xoojisay ciidamadeeda maadaama ay filaysay in cadowgeedu jebiyo heshiisyada.
Warbaahinta Iran ayaa Hasan Qashqavi, afhayeenka Guddiga Amniga Qaranka iyo Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee baarlamaanka, ka soo xigatay inuu sheegay in Madaxweyne Trump uu ku xayiran yahay “dhooqo siyaasadeed”.
Mas’uul ka tirsan wasaaradda caafimaadka Iran ayaa sheegay in 53 rayid ah la dilay, 592 kalena la dhaawacay tan iyo dabayaaqadii bishii hore. Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inaysan bartilmaameedsan rayidka.
Dagaalka ayaa dilay 18 askari oo Mareykan ah, wuxuuna dhaawacay in ka badan 450 askari.
Meydka askari Mareykan ah oo lagu dilay Bariga Dhexe ayaa dib loogu celiyay Mareykanka
Madaxweyne Trump ayaa maanta u safray Saldhigga Ciidamada Cirka ee Dover ee gobolka Delaware, si uu uga qaybgalo munaasabad lagu maamuusayay afar askari oo Mareykan ah oo lagu dilay weerarro ay Iran maalmihii u dambeeyay ku qaadday saldhigyo ciidan – saddex lagu dilay Jordan iyo mid lagu dilay Iraq.
“Aniga ahaan, waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu adag ee madaxweyne sameeyo. Laakiin waa in la sameeyaa,” ayuu yiri kahor intuusan u ambabixin munaasabadda.
Mas’uul sare oo Iranian ah ayaa horaantii toddobaadkan sheegay in dhexdhexaadiyeyaal ay Tehran gaarsiiyeen soo jeedin xabbad-joojin 10 maalmood ah.
Soo jeedinta waxaa loogu talagalay in lagu ilaaliyo heshiis ku-meel-gaar ah oo xabbad-joojin ah oo Washington iyo Tehran ay gaareen bishii hore.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Iran Eskandar Momeni ayaa toddobaadkan u safray Pakistan, wuxuuna Islamabad ku boorriyay inay sii waddo dadaalladeeda dhexdhexaadinta.
Pakistan ayaa sheegtay inay sii wadi doonto, iyadoo carrabka ku adkaysay in la damaanad qaado badqabka maraakiibta.
Dad ku sugan waddooyinka caasimadda Iran ee Tehran
Iran ayaa sheegtay inay sii haysan doonto gacan-ku-haynta Marinka Hormuz ee ay sameysatay intii uu dagaalku socday, kaas oo Mareykanka iyo Israel ay billaabeen 28-kii Febraayo.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa sheegay in Iran loo oggolaado inay sii haysato gacan-ku-hayntaas ay abuuri doonto tusaale khatar ah oo caalami ah, oo ay ku jirto Koonfur-bari Aasiya, halkaas oo dalal dhowr ahi ay muranno dhuleed kula jiraan Shiinaha oo ku saabsan Badda Koonfurta Shiinaha.
Wuxuu intaas ku daray in Iran aysan wadaxaajoodka si dhab ah u wajahayn.
“Haddii ay dhab ka yihiin, annaguna dhab ayaan ka nahay. Haddii aysan dhab ka ahayn, markaas waxaan sameyn doonnaa waxa lagama maarmaanka u ah ilaalinta danaheenna iyo sidoo kale danaha xulafadeenna,” ayuu wariyeyaasha u sheegay intii lagu jiray kulan ay wasiirrada arrimaha dibadda ee Koonfur-bari Aasiya ku yeesheen Philippines.
Wararkii ugu dambeeyay ee Bariga Dhexe
Iyadoo ololaha duqeymaha Mareykanka ee ka dhanka ah Iran uu galay habeenkii 11-aad oo xiriir ah, dadka deggan Tehran ayaa sheegay inay saacadihii hore ee maanta maqleen qaraxyo, xilli difaacyada cirka laga hawlgeliyay caasimadda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Fars ee xiriirka la leh dowladda Iran.
Mas’uul ayaa wakaaladda wararka dowladda ee IRNA u sheegay in la duqeeyay saddex goobood oo ku yaalla gobolka Bushehr, oo ay ku taallo warshadda keliya ee korontada nukliyeerka ee Iran, kuwaas oo ay ku jirto xarun koronto oo u dhow warshadda.
Warbaahinta Iran ayaa sidoo kale sheegtay in Mareykanku duqeeyay goobo ku yaalla gobolka Hamadan ee bartamaha dalka, iyadoo aan faahfaahin laga bixin.
Ciidamada Iran ayaa sheegay inay weerareen xarumo hoy iyo kayd ah oo ku yaalla Saldhigga Ciidamada Cirka Mareykanka ee Al Azraq ee Jordan, bakhaarro iyo hangarro lagu dayactiro diyaaradaha oo ku yaalla Saldhigga Ciidamada Cirka ee Sheikh Isa ee Bahrain, ayna bartilmaameedsadeen Camp Doha ee Kuwait.
Jordan, Kuwait iyo Bahrain ayaa dhammaantood sheegay inay qabteen weerarrada Iran.







