Cilia Flores, oo ah xaaska hoggaamiyihii xilka laga tuuray ee Venezuela Nicolas Maduro, ayaa codsanaysa in ay ka baxdo xarun xabsi oo ku taalla New York isla markaana muddada xabsi ku qaadato xabsi-guri, iyadoo ku doodaysa in dhibaatooyin culus oo dhanka wadnaha ahi u baahan yihiin daryeel caafimaad oo degdeg ah. Lammaanahan waxa Maraykanka uga yaalla dacwado la xidhiidha ka ganacsiga daroogada.
Ka hor intii aanay ciidamada Maraykanku qaban bishii Janaayo, Flores “waxay ku jirtay caafimaad wanaagsan mana qaadan jirin wax daawo ah oo muddo dheer ah, marka laga reebo cirbad bille ah,” ayuu qareenkeeda, Mark Donnelly, ku sheegay dukumenti maxkamadeed.
- Advertisement -
Hadda iyada iyo seygeeda oo lagu hayo xabsi federaali ah oo ku yaalla Brooklyn iyagoo sugaya maxkamadeyntooda, haweeneyda 69 jirka ah waxa haysta dhibaatooyin waaweyn oo dhanka wadnaha ah kuwaas oo laga yaabo inay u baahdaan coronary angiogram ama qalliin, sida ay sheegeen kooxda difaaceedu.
Nicolas Maduro iyo xaaskiisa Cilia Flores ayaa Maraykanku ku qabtay hawlgal lagu qaaday Caracas
Donnelly wuxuu sheegay in xaaladaha lagu hayo Flores ay ka hor istaagayaan inay hesho daryeel caafimaad oo ku filan. Wuxuu dalbanayaa in loo sii daayo xabsi-guri gudaha Maraykanka, iyadoo lagu xidhayo xannibaado adag.
Maduro, 63 jir, iyo Flores ayaa ciidamada Maraykanku ku qabteen hawlgal ka dhacay Caracas, waxayna xabsiga ku jireen tan iyo 3-dii Janaayo.
Xeer-ilaaliyeyaashu waxay ku eedeynayaan lammaanahan inay gacan ka geysteen in tanano kookayn ah si qarsoodi ah loo geliyo Maraykanka.
Labaduba way beeniyeen eedeymaha. Maduro wuxuu sidoo kale maxkamadda u sheegay inuu yahay “maxbuus dagaal” oo uu hayo Maraykanku.