WAR CAD: Sergio Ramos Oo Si Badheedh Ah U Sheegay LABA Kooxood Oo

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa shaaca ka qaaday tiraba laba kooxood oo uusan ku biirayn kaddib markii dhawaan si rasmi ah loo xaqiijiyay inuu ka tagayo kooxdaas dhammaadka bishan June oo uu heshiiskiisii hore dhacayo.

Ramos ayaa Real lasoo qaatay 16 sano oo cajiib ah oo uu koobab 22 ah kula soo guuleystay isaga oo sanadihii ugu dambeeyay ahaa kabtanka udub dhaxaadka u ahaa guulahooda.

Kaddib mudo bilo ah oo uu shaki ku jiray mustaqbalkiisa isla markaana ay heshiis kordhin isku fahmi la’aayeen madaxweyne Florentino Perez, Ramos ayaa go’aansaday inuu wakhtigiisii kooxdaasi soo af-meero.

Kooxaha lala xidhiidhinayo Sergio ayaa ah kuwo badan waxaana kamid ah Chelsea, Man United, PSG, Bayern Munich iyo Inter Miami balse waxa sidoo kale lasoo hadal qaaday kooxaha horyaalka La Liga ee Sevilla iyo Barcelona.

Ramos ayaa haatan warka caddeeyay waxaana uu sheegay inuusan marnaba ku biiri doonin Barcelona sidoo kalena uusan ku laaban doonin kooxdii uu kasoo baxay ee Sevilla.

“Anigu kuma biirayo Sevilla, xataa dookh iima aha, Barcelona miyaa? waa wax aan macquul ahayn, abid iguma arki doontaan Barca” ayuu yidhi 35 sano jirkaas oo mustaqbalkiisa qish ka bixinayay.

Ramos ayaa 43 jeer kahor tagay Barcelona mudada uu joogay Real Madrid isaga oo shan gool kasoo dhaliyay isla markaana 15 kulan guulo kasoo gaadhay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More