Wakiilka Caanka Ah Ee Mino Raiola Oo Daboolka Ka

Wakiilka caanka ah ee Mino Raiola  ayaa shaaicyey in ay ‘taxadar badan’ samaynayaan waqtigan, waxaanu farriin u diray weeraryahanka da’da yar ee Erling Haaland isagoo u sheegay in uu waqtigan ku biiri karayo kooxda uu isagu doonayo.

Erling Haaland oo ka mid ah weeraryahannada ugu wanaagsan dunida ayay xiisaynayaan kooxo badan oo ay ku jiraan Manchester City, Manchester United, Chelsea iyo Real Madrid, kuwaas oo awood dhaqaale isku muquunin doona marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan gabogabada kusii dhow.

20 jirkan oo Borussia Dortmund kusoo biiray bishii Janaury ee sannadkii hore ayaa u dhaliyey 49 gool 49 ciyaarood oo uu u saftay, waxaana la isku waafaqsan yahay in uu yahay weeraryahanka ugu halista badan ee dhaliyaha dabiiciga ah, iyadoo uu gaadhsiisan yahay heerka Robert Lewandowski marka laga eego sida uu goolasha u dhalinayo.

Mino Raiola ayaa waqtigii uu Haaland ka tegayay RB Leipzig, waxa uu ka shaqeeyey in uu kusii leexdo horyaalka Bundesliga iyo kooxda Borussia Dortmund, ka hor inta aanu qaadin tallaabada xigta ee ah in uu ku biiro mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn.

Iyadoo damaca naadiyada waaweyn soo kordhayo, Mino Raiola ayaa caddeeyey in laacibkan uu fursad ka haysto koox kasta oo uu isagu doonayo oo kooxaha oo dhan ay isaga ku dagaallamayaan.

“Haaland, qof kasta wuu qalad fahamsanaa. Wuxuu wax walba u qabtay si ka degdeg badan sidii qof kastaa malaynayay. Haaland waxa ka horreeya koritaankiisa.” Ayuu yidhi Mino Raiola  oo u warramayay wargeyska The Athletic.

Isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu Mino Raiola  intaa ku daray: “Wuxuu ku socdaa jadwalkiisa. Laga yaabaa in aan aad u taxadarayay markii aan idhi, ‘Oh maya, aynu tagno Dortmund sidii aanan doonayn inuu meel kale aado’.

“Boqolkiiba boqol ayaan ku qanacsanahay wiilkan, qof kasta oo kalena wuu ku qanacsan yahay, in uu tegi karayo koox kasta, meel kasta  oo uu isagu doonayo oo uu heerkeeda taagan yahay. Sannadkii hore ayaanu sidaas sameeyey.

“Laakiin waxa laga yaabaa in sannadkii hore ay jireen kooxo odhanayay, ‘Oh, wuxuu joogay RB Salzburg, miyuu sidaas oo kale ka samayn karaa kooxo kale?”.

“Miyey koritaanka xirfaddiisu ka degdeg badan tahay saadaashiisii, Haa, Haaland waa hadal-haynta maanta.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More