UEFA Oo Go’aan Ka Gaartey Haddii eal Madrid, Chelsea, Manchester City,

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa go’aan ka gaadhay kooxaha usoo gudbay semi-finalka Champions League iyo Europa League ee Real Madrid, Chelsea, Manchester City, Arsenal iyo Manchester United, kuwaas qayb ka noqday tartanka Suprer League ee ay kooxaha waaweyn samaysteen.

Shan ka mid ah siddeedda kooxood ee soo gaadhay semi-finalka Champions League iyo Europa League ayaa qayb ka noqday kooxaha tartankan samaystay, waxaana maanta gellinkii hore  soo baxay warar sheegaya in UEFA ay ka saarayso tartamada.

Real Madrid, Man City iyo Chelsea ayaa usoo gudbay semi-finalka, waxaana kaliya tarraxda PSG oo ay ahayd in ay la ciyaarto Man City, laakiin wararka ayaa sheegayay in koobka Champions League si toos ah loo siinayo PSG. Sidaas oo kale ayaa la sheegay in Man United iyo Arsenal looga saarayo Europa League oo finalka la wada ciyaarsiinayo Roma iyo Villarreal.

In UEFA ay ku hanjabtay in ay xayiraado iyo ciqaabo kusoo rogayso kooxahan ayaa xalay soo baxday, laakiin arrintaasi ciqaabahaas hadda lama hirgelin doono.

Sida uu qoray wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain, Real Madrid, Chelsea iyo Manchester City waxa loo ogolaan doonaa in ay sii wataan semi-finalka Champions League oo ay dhamaystaan tartankan, halka Arsenal iyo Manchester United ay iyaguna sidaas oo kale ugu jirayaan Europa League.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More