“Tottenham Waa Kuwii Aanu Sida Laydhka U Gudubnay, Waxaanu

Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge waxay Axadda ku qaabili doontaa naadiga ay isku magaalada yihiin ee Tottenham, waxaanay natiijada ciyaartani isbeddel ku keeni kartaa kaalmaha ugu sarreeya horyaalka Premier League.

Tottenham oo hoggaanka horyaalka kala wareegtay Chelsea usbuucii hore ayaa waxay u baahan tahay inay guuleysato si ay ugu sii negaato booskeeda, laakiin Chelsea oo libinta hesha ayaa iyaduna waxay awood u yeelan doontaa inay hal dhibic ka sare marto Spurs.

Kabtanka Chelsea ee Cesar Azpilicueta ayaa digniin usii diray Tottenham ka hor ciyaarta, waxaanu sheegay inay tusi doonaan Spurs kooxda koowaad ee ka talisa magaalada London.

Cesar Azpilicueta oo ka mid ahaa xiddigihii Chelsea ee sannadkii 2016 ka hor istaagay Tottenham riyadeedii ahayd inay horyaalka ku guuleysato, waxaana qaybtii hore ee kulankaas oo dhacay horyaalka oo sii dhamaanaya ay qaybta hore kusoo idlaatay 2-0 ay Tottenham ciyaarta ku hoggaaminaysay laakiin qaybtii dambe ayaa lagu tuntay, iyadoo horyaalkana ay Leicester City ku guuleysatay.

Spurs ayaa haddii ay guuleysan lahayd waxay rajo ka qabi lahayd inay Leicester City koobka ka qaadaan.

Cesar Azpilicueta oo hadlayay ayaa yidhi: “Waa wiilashii kulamada noocaas ah aad sida caadiga ah ku dareemaysay jawiga cajiibka ah ee Bridge iyo ciyaartii 2016. Waxa aanu kusoo dhex-jirnay xili ciyaareed kharriban, waxaana qaybtii hore la nagu hoggaaminayay 2-0. Laakiin qaybtii dambe annaga ayaa ahayn iftiinka garoonka… waxaan u malaynayaa inay wax nasoo gujiyeen maalintaas inkasta oo aanaan waxbaba u tartamayn markaas, kaliya waxay ujeeddadayadu ahayd in aanaan Tottenham u ogolaanin inay koobka ku guuleystaan.

“Sannad kastaa wuu ka duwan yahay midkii hore, rikoodh wanaagsan ayaananu ka haysanaa, markii noogu dambaysay ee ay naga badiyeena waxay ahayd laba illaa saddex sannadood ka hor, balse waxaan rajaynayaa in markanna aanu ku garaacno Bridge.

“Waxa aanu isku daynaa mar walba inaanu noqono kooxda ugu sarraysa London, waxaanu doonaynaa inaanu noqono kooxda ugu sarraysa sababtoo ah anaga ayaa No.1 ah, taas ayaanu u dagaallamaynaa.”

Jose Mourinho oo Chelsea guulo soo gaadhsiiyey sannadihii uu tababaraha ahaa ayuu sidoo kale soo qaaday, waxaanu qiray inuu waxbadan kooxda usoo taray balse hadda uu yahay nin kasoo horjeeda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More