Sirtii Suuqa Manchester United Oo La Xaday & Ed Woodward Iyo

Sirtii suuqa Manchester United ayaa halis ugu jirta in dhamaanteed ay bannaanka timaaddo kaddib markii ay budhcaddii u dhacday Kombiyuutarrada kooxdu ay ka qaateen xog muhiim ah.

Manchester United ayaan wali awood buuxda u yeelanin inay maamulato Kombiyuutaradeeda oo ay haysato koox budhcad ah oo jabsatay, isla markaana dalbatay malaayiin madax-fursado.

Toddobaadkii hore ayay United sheegtay in weerar aad u adag lagu soo qaaday, isla markaana ay budhcadda Internet-ku kala wareegtay maamulka Koombiyuutarada, taasina keentay in shaqaaluhu ay si degdeg ay u bakhtiiyaan dhamaan computerada.

Red Devils ayaa weydiisatay dawladda UK in garab laga siiyo sidii ay macluumaadkeeda u badbaadsan lahayd, sidoo kalena ay budhcadda gacanta ku dhigtay xogtii Kombiyuurada ay xal ugu heli lahayd.

Waxa kale oo arrinta ugu halista badan ay tahay in kooxdu aanay awood u lahayn inay Kombiyuutarada oo maamulka mar horeba ay budhcaddu la wareegtay,  taas oo ka dhigan in aanay xataa gudaha Computers-keeda geli karin United.

Warar naxdin ku abuuraya kooxda ayaa hadda soo baxaya, waxaana la sheegay in xogtii suuqa ee kooxda loo dhacay, isla markaana ay bannaanka yaallaan magacyada qaar ka mid ah xiddigihii ay kooxdu doonaysay inay lasoo wareegto iyo qorsheyaashii kale ee ka  dejisnaa ciyaartoyda Old Trafford jooga.

Manchester United ayaa si la mid ah kooxaha waaweyn ee Yurub waxay isticmaashaa hab Online ah oo ay gorfayn ugu samayso ciyaartoyda ay doonayso inay lasoo wareegto, isla markaana ay ka ururiso muuqaallo bandhiggooda ku saabsan ka hor inta aanay gaadhin go’aanka ay ugu dambaynta ku ugu dhaqaaqayso.

Si kastaba, Manchester United waxay hadda ka baqaysaa in xogteedaasi bannaanka wada timaaddo, taas oo fashil ku noqon doonta siyaasaddooda suuqa oo ay cid waliba ogaan doonto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More