SHAXDA SANADKA: Shaxdii Ugu Fiicnayd Premier League Xilli Ciyaareedkan

Shabakadda xogaha dhabta ah kusoo saarta xulashooyinka ciyaaryahanada ee Whoscored ayaa soo saartay shaxdeeda ugu fiican xilli ciyaareedkan ee horyaalka Premier League kaddib markii tartanka si rasmi ah shalay loosoo af-meeray.

Shaxda Whoscored ayay si lama filaan ah uga maqan yihiin xiddigo miisaan culus oo laga xusi karo daafaca dhexe ee Man City ee Ruben Dias kaas oo la filayo inuu abaalmarinta xiddiga sanadka ee horyaalka u tartami doono.

Aan ku bilawnee goolhayaha shaxdan ayaa ah Emi Martinez oo wacdarro ku dhigay Aston Villa xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay, daafaca dhexe ayay si lama filaan ah ugu midoobeen kabtanka Man United ee Harry Maguire iyo James Tarkowski oo Burnley ka tirsan.

Daafaca midig ee shaxdan ayaa ah Aaron Wan-Bissaka oo isaguna Man United ah halka uu daafaca bidix kusoo baxay Joao Cancelo oo Man City qayb ka ahi.

Labada khad dhexe ee xulashadan ayaa ah kubad sameeyayaasha labada Manchester ee Bruno Fernandes iyo Kevin De Bruyne halka ay labada garab yihiin Riyad Mahrez iyo Jack Grealish oo City iyo Aston Villa ka kala tirsan.

Labada weeraryahan ee xulashadan oo 4-4-2 u samaysan ayaa kala ah Harry Kane oo Tottenham ka qayb ah ahna xiddiga qiimaynta ugu sarreeya kusoo galay shaxda iyo Ollie Watkins oo Aston Villa ka tirsan taas oo sheegaysa in Villa ay saddex boos leedahay.

Shaxdan ayaa ah mida shabakad gaar ah balse waxa laga warsugi doonaa shaxda rasmiga ah ee uu xilli ciyaareedka usoo xulan doono horyaalka Premier League.

Shaxda Oo Dhammaystiran

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More