Miyay Mendy Iyo Kante Diyaar U Noqonayaan Final-ka Champions League?

Tababaraha kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa ka hadlay haddiiba ay kooxdiisu Final-ka UEFA Champions League helayso xiddigaheeda N’Golo Kante iyo Edouard Mendy oo labaduba dhaawacyo qaba hadda.

Kante ayuu gaadhay dhaawac yar oo muruqa ah kulankii Leicester City isaga oo seegay ciyaartii Aston Villa ee shalay halka uu ciyaartaas Villa Park ka dhacday wakhtigii nasashada bedel ku baxay Mendy.

Labadaas xiddig ayaa ahaa kuwo muhiim u ahaa wadadii ay Blues u mareen inay gaadhaan Final-ka Champions League, tababare Tuchel ayaa hadda war u wanaagsan jamaahiirta kooxdiisa kasoo saaray dhaawacyadooda.

Tababaraha ree Germany oo ka hadlaya ugu horreynba Kante ayaa yidhi “Isagu waxa uu u muuqdaa mid wanaagsan waxaanan rajaynayaa inuu sidaas sii ahaan doono”

Dhinaca kale tababare Tuchel ayaa sheegay in Mendy oo shalay uu goolhaye Kepa Arrizabalaga ku bedelay uu tababarka kooxda kusoo laaban doono maalinimada Arbacada.

“Warka cusubi waa inaanu wali rajo leenahay, tababarka ayuu kooxda kula soo biiri doonaa Arbacada, isagu horumar weyn ayuu ka sameeyay inuu xanuunkiisa maamulo sidaas darteed waxaanu u baahanahay baadhitaano intaas ka badan laakiin waxaanu rajaynaynaa inaanu isaga dib u helno”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More