Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Kulanka Man City vs Liverpool, Koox

Kooxaha Manchester City iyo Liverpool ayaa isku faro-saari doona gegida Etihad Stadium caawa kulan xiiso badan iyadoo labada kooxood is aragoodu uu ahaa mid muhiim ah dhawaanahan maadaama ay saddexdii horyaal ee ugu dambeeyay dhexdooda kusoo guuleysteen.

Kahor ciyaarta caawa ayay shabakadda Sportsmole soo xulatay shaxda isku-dhafka (Isku-darka) ah ee safafka labadaas kooxood iyadoo kaliya lagu salaynayo ciyaaryahanada imika taamka ah ee aan kuwa dhaawaca ku maqan xisaabta lagu darayn.

Aan ku bilawnee goolhayaha shaxdan ayaa ah Alisson Becker oo kasoo hormaray saaxiibkiisii ree Brazil ee Ederson Moraes oo ay sanadihii ugu dambeeyay abaalmarinta gacanta dahabka ah ee Premier League min hal mar ku kala guuleysteen.

Labada daafac dhexe ayay wada qaadatay Man City waxaana ku midaysan Ruben Dias iyo Aymeric Laporte oo kasoo hormaray Joe Gomez oo Liverpool ah.

Sida uu qofkasta qiyaasi karayo boosaska labada daafac garab ayaa ah xiddigaha Reds ee Trent Alexander Arnold iyo Andy Robertson oo ay shaqsiyaad badani u arkaan kuwa boosaskaas ugu wanaagsan dunida.

Saddexda khad dhexe ayay laba kamid ah Liverpool heshay waana kabtan Jordan Henderson iyo Wijnaldum waxaana kula soo baxay mashiinka Sky Blues ee Kevin De Bruyne iyadoo ay meesha ka baxeen xiddigaha kala ah Rodrigo Hernandez, Phil Foden, Ilkay Gundogan iyo kuwo kale oo badan.

Saddexleyda weerar ee shaxdan ayay labadeeda garab yihiin Mohamed Salah iyo Sadio Mane halka uu weeraryahankeeda dhexe yahay Raheem Sterling oo asal ahaan garab weerar ah taas oo ceeb ku ah Roberto Firmino iyo Diogo Jota oo booskaas asal ahaan uga ciyaara Liverpool iyo waliba Gabriel Jesus oo muddooyinkii u dambeeyay dhaawac kaga maqnaa City balse caawa la filayo inuu ciyaaro.

Shaxda Oo Sawir Ah

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More