Gary Neville Oo Sheegay Sababtii Uu Benjamin Sesko Isaga Diiday Arsenal.

Halyeeyga kooxda Man United ee Gary Neville ayaa sheegay sababta uu Benjamin Sesko isaga diiday kooxda Arsenal iyo horyaalka premier League.

Sesko ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxaha Arsenal iyo chelsea kuwaas oo doonayay saxiixiisa suuqa xagaaga.

Laakiin Sesko ayaa iska diiday kooxaha premier League isaga oo qalinka heshiis cusub ugu duugay kooxda RB Leipzig.

“Benjamin Sesko waxa uu leeyahay goolal, waa xiddig da’yar ah oo awood leh, Waxaan dib ugu laabaneynaa inaan heysano weeraryahano awood leh halkii aan sanadihii ugu dambeeyay haysanay daafacyo awood leh”

“Waa qof awood badan leh, waadna arki kartaa sababta kooxaha Premier League ay u xiiseynayaan, laakiin sidoo kale waan arki karaa sababta uu isaga diiday koxoaha Premier League una doortay in uu sanad kale sii joogo RB Leipzig”.

“Waxay siin doontaa fursad uu ku koro, isla markaas uu horumar ku sameeyo isaga oo uuna saarnayn cadaadiska premier League”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More