Qaramada Midoobay:-9 milyan ayaa halis ugu jira dagaalka

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 9 milyan oo qof ay halis ugu jiraan in ay ku barakacaan dagaalka ka socda gobolka Tigray ee Ethiopia, iyadoo ka digtay in ku dhawaaqista dowladda ee xaaladda degdegga ah ay hor istaageyso cuntada iyo gargaarka kale.

Raysul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sii riixaya olole militari oo uu ku dhawaaqay Arbacadii, in kasta oo caalamku ku baaqay in wadahadal lala yeesho Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF) si looga fogaado dagaal sokeeye.

Qoomiyada Tigreegu waxa ay xukumayeen siyaasadda Ethiopia muddo tobaneeyo sano ah ilaa uu Abiy xafiiska la wareegay sanadkii 2018-kii.

Isku dhacyada u dhaxeeya ciidamada federaalka iyo xoogagga Tigreega ayaa ka dhacay 8 goobood oo ka tirsan gobolka, sida lagu sheegay qoraal Sabtidii ka soo baxay xafiiska isku-dubaridka howlaha bani’aadanimada QM ee OCHA.

Lix dagaallame ayaa lagu dilay in ka badan 60 kalena waa lagu dhaawacay dagaal ka dhacay meel u dhow xadka ay wadaagaan gobollada Tigray iyo Amhara, iyadoo uu labada dhinacba khasaare ka soo gaaray dagaalka, sida ilo bani’aadamnimo ay Aaxadda maanta ah u sheegeen Reuters.

Warbixinta OCHA ayaa lagu sheegay in ilaa 600,000 oo qof oo ku nool gobolka Tigray ay noloshoodu ku tiirsan tahay gargaarka cunno ee la siiyo, halka 1 milyan oo kale ay helaan qaabab kale oo taageero ah, kuwaasi oo dhamaantood la carqaladeeyay.

Baarlamaanka Itoobiya ayaa u codeeyay in la kala diro dowladda woqooyiga gobolka Tigreega, iyadoo uu jiro khilaaf isu bedelay isku dhac hubaysan.

Kalfadhi deg deg ah ayuu baarlamaanku sharci daro ku tilmaamay maamulka Tigray waxayna u codeeyeen in la badalo.

Jimcihii, raiisul wasaare Abiy Ahmed wuxuu sheegay in duqeymo cirka ah lagu qaaday bartilmaameedyo militari oo kuyaal Tigray.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in isku dhacu uu horseedi karo dagaal sokeeye, kaas oo sidoo kale xasilooni darro ka abuurta dalalka deriska ah.

Hogaamiyayaashii Tigreega ayaa sanado badan xukumayay Itoobiya ilaa Mr Abiy uu xukunka qabtay sanadii 2018 asaga oo ka dambeeyay mudaharaadyada looga soo horjeeday dowlada isla markaana xakameeyay saameyntooda.

Waxay leeyihiin si cadaalad daro ah ayaa loo bartilmaameedsaday nadiifin iyo eedeymo musuqmaasuq, waxayna leeyihiin Mr Abiy waa hogaamiye sharci daro ah, maxaa yeelay howshiisii way dhamaatay markii uu doorashada dib u dhigay coronavirus darteed.

UN-ku waxay ku baaqday “in dagaalka la sii adkeeyo”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More