Serge Gnabry Oo Ka Sheekeeyey Sababtii Uu Dalkiisa Ivory Coast Ugu

Gnabry oo ku dhashay magaalada Stuttgart ee waddanka Germany, waxa dhalay aabbo reer Ivory Coast ah iyo hooyo Jarmalka u dhalatay, waxaana sannadkii 2014 looga yeedhay xulka qaranka Ivory Coast, laakiin wuu iska diiday iyadoo uu ka doortay in uu ku biiro xulka Jarmalka oo uu tababare Joachim Low uga yeedhay.

Laacibakn ayaa ka mid ah xiddigaha xulka qaranka Germany uga qayb-gelaya tartanka Euro 2020 ee bisha June bilaabmi doona.

Serge Gnabry ayaa la weydiiyey sababta uu dalkiisa Ivory Coast ku diiday, waxaanu yidhi: “Markii aan u ciyarayaya Arsenal 2014, waxa ila soo xidhiidhay xidhiidhka kubadda cagta Ivory Coast, waxaanay i weydiisteen inaan la kulmo si ay iigu qanciyaan inaan u ciyaaro xulka qaranka waaweyn.

“Laakiin aniga mar walba method ii caddayd: Waxa aan ku dhashay, kuna barbarray halkan, Germany, waxa aanan u ciyaaray dhamaan heerarka kala duwan ee xulka qaranka sida da’yarta, sidaa darteed, mar walba waxa aan doonayay in aan xulka Germany ee waaweyn u ciyaaro.”

Serge Gnabry waxa uu qirtay in ehelkiisa oo dhan ay ku nool yihiin Ivory Coast oo uu marar badan u tegay, waqtina lasoo qaatay, uuna dareensan yahay in waddankiisu yahay Ivory Coast, waxaanu yidhi: “Kaasina waa waddankaygii. Aabahay ayaa ka yimid halkaas, qoyskayga inta ugu badan ayaa wali ku nool halkaas. Aniguna waqtiyada qaarkood ayaan halkaas tegay, haddii waqtigu ii ogolaado waxa aan doonayaa inaan marar badan oo kale booqdo.”

25 jirkan oo 26 kulan oo Bundelsiga ah oo uu u saftay Bayern Munich u dhaliyey sagaal gool, waxa kale oo uu daboolka ka qaaday in Didier Drogba oo kasoo jeeda waddanka aabbihii iyo tababaraha Actual Madrid ee Zinedine Zidane ay u yihiin ciyaartoyda uu ku daydo.

“Didier Dorgba, waa hubaal. Wuxuu ahaa ciyaartoyga aan ugu jecelahay ee ku xiga Zinedine Zidane. Wuxuu ahaa weeraryahan wanaagsan.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More