Santos Oo Difaacay Sababta Uu Keyd U Geliyay Cristiano

Tababaraha xulka Portugal Fernando Santos ayaa difaacay go’aankii uu kursiga keydka ku geliyay Cristiano Ronaldo kulankii xalay ee Andorra isagoo sheegay in xiddiga Juventus uu jabin lahaa rikoodhka goolasha caalami ah waqti walba.

Ronaldo ayaa bedel ku soo galay qeybtii labaad isagoo shabaqa taabtay xilli ay Portugal 7-0 ku xasuuqday kooxda Andorra kulan saaxiibtinimo oo xalay ka dhacay Lisbon.

Xiddiga Juventus ayaa dhaliyay 102 gool oo heer caalami ah isagoo ku dhow inuu jabiyo rikoodhka goolasha ugu badan ee xul qaran loo dhaliyo oo uu 109 gool ku hayo weeraryahankii hore ee Iran Ali Daei.

Santos ayaa ka hadlay go’aankii uu Ronaldo ku fariisiyay kursiga keydka isagoo sheegay in sababtu ay tahay in xiddigaan uu dhawaan ka soo kabsaday Korona Fayras.

“Marka laga hadlayo fekerka ah in Cristiano Ronaldo ay qasab aheyd inuu ciyaaro kulanka Andorra si uu u dhaliyay goolal una jabiyo rikoodhka, hadaba Ronaldo uma baahna inuu goolal ka dhaliyo Andorra si uu u noqdo xiddiga ugu goolasha badan kulamada heerka caalami. Si kastaba, wuu jabin doonaa rikoodhkaas.” ayuu Santos ku sheegay.

“Sidaasi darteed wuxuu ku soo galay ciyaarta bedel, wuxuuna ciyaaray waqti ku filan. Waxaa muhiimsah in la fahmo in Ronaldo uusan dheelin muddo 19 maalmood uu karantiil ku jiray. Wuxuu ka mid yahay ciyaartoyda u baahan daqiiqado qaar si uu u helo laxankiisa ciyaareed.

“Kuma fekerin inay sax aheyd inaan ku soo bilaabo ciyaarta. Andorra waxay ku ciyaareysay 20ka mitir ee goolkooda iyagoo daafac ku jiray. Taako ayay sameynayeen. Waxayna inoo noqon kartay halis. Waa qasab inaan si taxadar leh u eegno xaalad walba.

“Si kastaba, ma hubo haddii Ronaldo uu si weyn u doonayay inuu ciyaaro. Ciyaaryahan walba wuxuu doonayaa inuu goolal dhaliyo taas waa hubaal”

Inkastoo Ronaldo uu ciyaaray qeybtii labaad, waxa uu helay todoba darbo oo ka badan inta uu helay ciyaaryahan walba oo garoonka ku jiray isagoo sidoo kale caawin sameeyay xilli uu guushii 100aad ee la gaaray Portugal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More