Islaamka Naceybka Ka Dhex Jira Kooxaha Ingariiska Oo Keentay

Maziar Kouhyar ayaa ka shaaca ka qaaday in mid ka mid ah xiddigaha ay iska garab ciyaaraan ee kooxda Walsall ee dalka Ingariiska inuu ugu yeero “argagixiso”.

23 jirkaan ayaa isaga iyo qoyskiisa waxay ka soo soo guureen dalkooda Afghanistan sannadkii 1998 iyagoo degay magaalada Birmingham, wuxuuna noqday xiddigii ugu horeeyay ee Afghani ah ee ka ciyaara mid ka mid ah afarta horyaal ee ugu sareysa Ingariiska.

Kouhyar ayaa u saxiixay kooxda Walsall sannadkii 2016, laakiin haatan wuxuu baadigoob ugu jiraa koox cusub.

Xiddiga khadka dhexe ayaa ugu danbeyn daboolka ka qaaday cunsuriyad iyo Islaam naceyb uu kala kulmay kooxda heerka afaraad ee Ingariiska.

Wuxuu sheegay inuusan xilli hore arintaan daboolka ka qaadin madaama uu ka baqayay inay dhibaato u horseedi karto.

Sida ay sheegtay Daily Mail, xiddigaan ayaa yiri: “Tababar ayaan sameyneynay, mid ka mid ah ciyaartoyda ayaa igu yiri inaan ahay argagixiso.

“Waan ku qoslay, laakiin mar kale ayuu sidaas igu yiri. Markii uu ku celiyay waan iskala hadlay waxaana ku iri: ‘haatan waxaa iga qasbeysaa qosolka, hal mar aad isku dayday ee mar labaad ha ku celinin.’

“Ma uusan jecleysan hadalkeyga. Waxaan bilownay inaan isriix riixno, waxaa ina kala qabtay ciyaartoyda kale.

“Mid ka mid ah shaqaalaha tababarka ayaa goobta joogay markii ay aintaan dhaceysay, wuxuuna maqlay wax walba, wuuna arkay wax walba.

“Sidaasi darteed waxaan filayay in xafiiska la iiga yeeri doono ka dib tababarka si aan u arko inaan saxanahay iyo inuu ciyaaryahanka kale ganaax la kulmayo, laakiin marnaba lama soo hadal qaadin.

“Ma dooneynin inaan aniguba mar kale soo hadal qaado. Waxaan doonayay inaan ka mid noqdo kooxda koowaad oo aan helo daqiiqo badan oo aan ciyaaro sidaasi darteed ma dooneynin inaan cadow sameysto iyo inaan iska horjoogsado inaan ciyaaro inkastoo ay i dhaawacday wixii la igu yiri.

“In la igu yiraahdo argagixiso waa ay i dhaawacday, qoyskeyga waxay ka soo carareen Afghanistan sababo la xiriira argagixiso. In sidaasi la iigu yeero waa ay xanuun badneyd”

Maziar Kouhyar ayaa ka tagay kooxda Walsall ka dib markii uu qandaraaskiisa dhamaaday xagaagii iyadoo uu soo gaaray dhaawac xun oo jilibka ah uu ka soo kabsaday haatan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More