Robinho Oo Dawlada Brazil Go’aamisay Waxa Falkiisii Kufsi

Xiddigii hore ee kooxaha Real Madrid, Manchester City iyo AC Milan ee Robinho ayay macquul tahay in dalkiisa Brazil lagu xidho sida ay shaaca ka qaaday wasiirka haweenka, qoyska iyo xuquuqda aadamaha ee dalkiisa oo waraysi bixisay.

Sida uu sheegayo wargeyska The Guardian, xiddigii hore ee xulka qaranka Brazil ayaa sanadkii 2017 lagu soo eedeeyay fal kufsi iyadoo ay maxkamado uu maray gadhka u geliyeen xabsi sagaal sano ah.

Robinho oo saddex sano kahor gali lahaa xabsigaas sagaalka sano xukunkiisu yahay ayaa ahaa mid racfaan ku socday tan iyo wakhtigaas isaga oo racfaanka ka qaatay maxkamadaha dalka Talyaaniga.

Robinho ayaa si joogto ah u sheegayay inuusan isagu dambiile ahayan oo uu u dagaalami doono xoriyadiisa iyadoo kiiska loo haystaa uu yahay mid uu kufsiga ugu geystay gabadh ree Albania ah sanadkii 2013 magaalada Milano.

Kooxda dalkiisa ee Santos ayaa heshiis ay kula saxeexatay dhawaan la gaadhay 36 sano jirkaas balse go’aankooda ayaa si ba’an loo eedeeyay sababtoo ah inay la saxeexdeen ciyaaryahano eedaymo kufsi badhtanka kaga jira.

Santos ayaa walow ay kulasoo heshiisay Robinho inuu mushahar ahaan bishii kaliya 270 dollar uga qaato ayaa haddana go’aansatay inay deg-deg gabi ahaanba u kansasho qandaraaskii ay ka saxeexatay.

Wasiirka haweenka, qoyska iyo xuquuqda aadamaha Brazil ee Damares Alves oo ka hadashay arrinta Robinho ayaa sheegtay inay tahay in deg-deg loo xidho oo aysan iyagu u sacab tumi karin nin wax kufsaday.

“Deg-deg u xidha, ma hayo wax intaas ka badan oo aan idhaahdo, wali waxa jira racfaan laakiin maxaa intaas ka badan ee aad doonaysaan? xidha, qof wax kufsaday looma sacabin karo”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More