Hogaamiyaha Hirshabeelle oo shaqadooda u fasaxay wasiiro uu horay shaqo joojin ugu sameeyay ku xigeenkiisa

 
Axad, May, 26, 2024 (AX) – Hogaamiyaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta dib ugu fasaxay shaqadooda laba ka mid ah afar wasiir oo bilawgii bishaan uu shaqo joojin ku sameeyay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.
War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska madaxweyne Guudlaawe ayaa lagu sheegay in shaqadooda dib loogu fasaxay wasiirada kala ah Warfaafinta iyo Beeraha ee maamulka Hirshabeelle Aadan Maxamed Muuse iyo Maxamed Faarax Cali.
”Markii uu arkay qoddobada 56-aad iyo 57-aad iyo howlaha ku hor-gudban waxa uu xayiraada shaqo ka qaaday Wasiirrada Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Beeraha oo ay kala hoggaaminayeen Mudane Aadan Maxamed Muuse iyo Maxamed Faarax Cali” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska madaxweyne Cali Guudlaawe.
Waxaa sidoo kale lagu cadeeyay qoraalka kasoo baxay Xafiiska Hogaamiye Guudlaawe in tilaabadani shaqada dib loogu fasaxay labada wasiir in lagala tashaday Hogaamiye ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo horay shaqo joojin ugu sameeyay afar wasiir oo ay ku jireen labadaan shaqadooda loo fasaxay.
Wasiirada kala ah Ganacsiga iyo Warshadaha Sakariye Khaalid Cabdi iyo wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Raxma Maxamed Guulle oo ka mid ah wasiiradda horay shaqada looga joojiyay ayaana wali loo fasaxin howlahooda shaqo.
Warka kasoo baxay Hogaamiyaha maamulka Hirshabeelle ayaa lagu faray Wasiirrada Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Beeraha ee maanta dib loogu fasaxay shaqadooda iney si hufan u gutaan shaqooyinka ay bulshada u hayaan.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More