James Swan oo Maanta soo gaaray magaalada Muqdisho

 
Axad, May, 26, 2024 (AX) – Sii hayaha Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa maanta soo gaaray magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Waraaxafafeed kasoo baxay Xafiiska UNSOM ayaa lagu sheegay in James Swan uu diiradda saari doono sidii looga taageeri lahaa dowladda Fedaraalka iyo dadka Soomaaliyeed  dhinacyada nabad galyada, amniga, horumarka, iyo dowlad dhiska.
Xoghayaha Guud ee QM António Guterres ayaa magacaabista Mr. Swan ku dhawaaqay14kii bisha Maajo. Mr. Swan ka hor inta uusan soo gaarin magaalada Muqdisho wuxuu kulamo ballaaran la soo qaatay madaxda Xarunta-dhexe ee Qaramada Midoobay.
James Swan ayaa horay xilkan Ergeyga gaarka ee Qaramada ee Soomaaliya u soo qabtay sanadihii 2019 ilaa 2022-kii, waxaana sidoo kale la tilmaamay inuu mudo dheer ka soo shaqeeyay adeega diblomaasiyadda ee dalka Mareykanka.
Danjire Swan oo xafiiska si ku meel gaar ah usii maamuli doono, ayaa qorshuhu yahay inuu dhameystiro howsha xafiiska UNSOM ee la qorsheynayo in sanadkan dib u eegis lagu sameeyo.
Magacaabista ku meel gaarka ah ee James swan ayaa sidoo kale kusoo beegmeysa, iyadoo haatan dowladda Fedaraalka iyo dowlad goboleedka Waqooyi Bari iyo mucaaradka ay ka dhaxeyso xaalad siyaasadeed aad u cakiran, waxaana horyaala sidii uu wax uga qaban lahaa siyaasadaha is diidan ee haatan dalka ku jiro.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More