Daa’uud Aweys: Soomaaliya waxay isu diyaarinaysaa kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka

Axad, May, 26, 2024 (AX) – Soomaaliya ayaa isu diyaarinaysa kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, sida uu sheegay wasiir warfaafinta Soomaaliya Daud Aweis.
“Soomaaliya waxay ku faanaysaa inay isu diyaarinayso inay kursi aan joogto ahayn ka qaadato Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC). Fursaddani waxay ka tarjumaysaa saamayntayada sii kordheysa iyo sida ay uga go’an tahay in aan si macno leh wax ugu biirinno dadaallada nabadda iyo ammaanka caalamka,” ayuu yiri wasiirku.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay kobcinta iskaashi xooggan oo aan la yeelato deriskeeda. Sidoo kale wuxuu sheegay inay muujinayso dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda, xasilloonida, iyo dhaqaalaha gobolka.
Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aaday xilli, Soomaaliya ay sidoo kale isku diyaarinayso tartanka kursiga guddoomiyaha guddiga Mkidowga Afrika, iyadoo kursigaas u wadda wasiirkii hore ee arrimaha dibbada, Fowsiyo Yuusurf Xaaji Aadan.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More