Skip to content
Monday, August 24, 2026 10 Rabi al-Awwal 1448 AH Asr 15:15
Muqdisho 28°C
Breaking: Tributes Paid to UK Police Officers Killed in Wrong-Way Crash
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Rikoodhyadii Iyo Xogtii Laga Diiwaangeliyay Kulankii Uu

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
Z65pbuNSpiLh2TtGTCXJ_image-15

Liverpool waa kooxdii ugu horeysay ee difaacaneysa horyaalka Ingariiska ee todoba gool laga dhaliyo kulanka horyaalka ah tan iyo markii Arsenal lagu sameeyay bishii September sannadkii 1953 kulan ay la ciyaartay Sunderland.

Liverpool ayaa markii ugu horeysay laga dhaliyay todoba gool kulan horyaalka ah tan iyo bishii April 1963, markaasoo ay guuldarro 7-2 ka soo gaartay Tottenham.

- Advertisement -

Markii ugu horeysay taariikhda labada kooxood, Liverpool iyo Manchester United ayaa laga dhaliyay lix gool ama ka badan hal maalin gudaheed.

Xiddiga garoonka Ollie Watkins ayaa ah xiddigii tobnaad ee seddexleey ka dhaliya Liverpool taariikhda Premier League, waana xiddigii ugu horeeyay tan iyo markii uu seddexleey ka dhaliyay Dimitar Berbatov bishii September ee sannadkii 2010.

Ollie Watkins ayaa sidoo kale ah xiddigii labaad ee seddexleey ka djaliya Liverpool qeybta hore ee ciyaar Premier League ah ka dib Andy Cole oo u dhaliyay Newcastle 21kii November 1993.

Goolhaye Adrian ayaa sameeyay shan qalad oo sababay gool 21kii kulan ee uu u saftay Liverpool tartamada oo dhan, waana inta qalad uu sameeyay Alisson 92 kulan uu saftay.

Aston Villa ayaa markii labaad abid todoba gool ka dhalisay horyaalka Premier League markii kale ee ay todoba gool ku badiyeen waxay ahey kulan ay 7-1 kaga badiyeen Wimbledon sannadkii 1995.