RIKOODH: Jude Bellingham Oo Rikoodh Cusub Ka Dhigay Tartanka Qaramada

Jude Bellingham ayaa rikoodh cusub u dhigay xulka qaranka England iyo tartanka qaramada Yurub ee Euro, kaddib markii uu beddel kusoo galay ciyaartii ay 1-0 kaga badiyeen Croatia ee tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020.

Laacibkan ayaa noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee abid u ciyaara xulka qaranka England kulan ka tirsan tartanka qaramada Yurub iyo ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee abid tartankan safta, waxaanu rikoodhkaas sameeyey markii uu beddel kusoo galay qaybtii dambe.

Bellingham oo ay d’adiisu tahay 17 sannadood ayaa lagu beddelay Harry Kane, waxaana markiiba lagu qoray buugga taariikhda England iyadoo uu jabiyey rikoodhkii Michael Owen oo hore u ahaa ciyaartoyga ugu da’da yar ee xulka Ingiriiska u ciyaara tartankan.

Jude Bellingham oo ay da’diisu tahay 17 sannadood iyo 349 maalmood, taas oo ka dhigan in aanu wali gaadhin da’da 18 jirka oo ay maalmo kooban uga hadhsan yihiin.

Waxa kale oo uu Jude Bellingham  jabiyey rikoodhkii Jetro Willems ee ciyaartoyga ugu da’da yar ee tartanka qaramada Yurub kasoo muuqda.

17 years, 349 days—Jude Bellingham comes on for #ENG and becomes the youngest player to ever feature in a European Championship #EURO2020 pic.twitter.com/0ORSCFcefF

— B/R Football (@brfootball) June 13, 2021

Willems ayaa isagoo 18 jir ah ciyaaray tartankii qaramada Yurub ee Euro 2012, isagoo ka tirsanaa xulka Netherlands.

Jude Bellingham oo ka tirsan kooxda kubadda cagta Borussia Dortmund ayaa wacdaro ka dhigay horyaalka Bundesliga iyo Champions League xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu tababare Gareth Southgate kusoo daray xulka qarankiisa xilli uu ka yimid ciyaartooyo kale oo waaweyn.

England oo kulankii ugu horreeyey ee Euro guul gaadhay ayaa waxay Jimcaha la ciyaari doonaan Scotland ka hor inta aanay Czech Republic kulmin ciyaarta ugu dambaysa hormadooda marka ay taariikhdu tahay June 22.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More