“Qolka Lebbiska Ayaanu Isku Argnaye Muxuu iila Hadli Waayey…” Kylian

Weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe ayaa warbaahinta kaga hadlay khilaafkii u dhexeeyey Olivier Giroud oo hore saxaafadda ugu sheegay in ciyaaryahannada weerarka ee xulku aanay kubadda siinin, taas oo si gaar ahna farta loogu fiiqay Mbappe.

22 jirkan ayaa si weyn uga cadhooday hadalka Giroud, waxaana uu qirtay inuu saamayn dhab ah ku yeeshay, layaabna ay ku ahayd sababta uu Giroud warbaahinta ugaga hadlay arrintan isagoo qolka lebbiska cabashadiisa ku dhiiban karayay.

Arrintan oo dhacday kulankii saaxiibtinimo ee Bulgaria ee ay iskugu diyaarinayeen tartanka qaramada Yurub, ayaa hore uu tababare Didier Deschamps iskugu dayey inuu dejiyo, waxaana uu Mbappe ka joojiyey inuu warbaahinta la hadlo xilli uu cadhaysnaa oo uu doonayey inuu ujawaabo.

Si kastaba, Mbappe ayaa loo ogolaaday inuu ku cadho-burburo warbaahinta oo uu ka hadlo cadhada uu ka qaaday hadalka Giroud.

Shirkii jaraa’id ee ka hor kulanka Germany ee Salaasda, Kylian Mbappe ayaa soo qaaday arrintan, waxaanu yidhi: “Waan la hadlay Olivier Giroud, qof kastaana wuu ogyahay wixii dhacay.

“Waxa run ah in ay saamayn yar igu yeelatay {Hadalka Giroud ee uu warbaahinta ka hor sheegay in kubadda loo dhigi waayey}, laakiin taasi wax weyn naguma aha sababtoo ah waxa aanu halkan ku metelaynaa Faransiiska, taas ayaana ah waxa ugu muhiimsan.

“Waxa uu yidhi iima dhibin intaas in ka badan, anigu waxa aan ahay weeraryahan waxaanan dareemay sidan oo kale 365 jeer kulamada qaarkood.

“Qolka lebbiska ayaan ugu hambalyeeyey {markii uu goolasha dhaliyey Giroud}, waxba iguma odhanin, kaddibna warbaahinta ayaan ka maqlay hadalkiisa. Wax xumaan ah iguma odhan, xaqiiqada ayaase ah inuu si caam ah uga hadlay, laakiin waxa aan doorbidi lahaa inuu yimaaddo oo uu qolka lebbiska kaga hadlo. Hadda taasi dhibaato ma aha, waa xurguf yar, kooxduna uma baahna in aanu sidaa u dhaqano.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More