Real Madrid Oo Muddaysay Waqtiga Ay Kulmi Doonaan Florentino

Madaxweynaha Real Madrid iyo kabtanka kooxdaas ee Sergio Ramos ayaa kulan fool ka fool ah yeelan doona, si ay meel iskula dhigaan mustaqbalka laacibkan ka hor inta aan la gaadhin January 1.

Curashada sannadka cusub ayaa waxay Sergio Ramos siinaysaa ogolaansho buuxa oo iyadoo aanu fasax weydiisanayn kooxdiisa, sababtuna waxay tahay in heshiiskiisa ay ka hadhsanaanayaan wax ka yar lix bilood oo uu sii raadsan karo naadigii uu sida xorta ah ugu wareegi lahaa.

Laakiin Real Madrid ayaa ka dagaallamaysa inay lumiso kabtankeeda ruuxiga ah, waxaanay diyaarinaysaa kulan lagu gorfaynayo heshiis cusub oo ay labada dhinac gaadhaan oo Sergio Ramos kusii haya Santiago Bernabeu sannado kale.

Sida uu qoray wargeyska Marca, Florentino Perez iyo Sergio Ramos oo uu xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo ayaa kulmi doona ka hor kulanka Villarreal ee Sabtida soo socota, waxaanay ka wada hadli doonaan arrinta mustaqbalka laacibkan, iyadoo uu Madaxweynuhu isku dayi doono inuu ku qanciyo inuu Sergio Ramos saxeexo heshiis cusub.

Los Blancos ayaa ku xisaabtamaysa mustaqbalka sidii ay usii haysan lahaayeen Ramos oo ay da’diisu tahay 34 jir, waxaanu qorshahoodu yahay inay waafajiyaan siyaasadda kooxda ee ah inay marba hal sano oo heshiis cusub ah siiyaan ciyaartoyda ay da’doodu ka weyn tahay 30 jir, laakiin Ramos ayaa doonaya in siyaasaddaas isaga dartii loo jabiyo oo laba sannadood ugu yaraan uu saxeexo.

Si kastaba, warbaahinta dunida ayaa sheegaysa kooxo badan oo ay ugu horreeyaan Juventus iyo PSG ay doonayaan inay lasoo saxeexdaan Sergio Ramos, gaar ahaan kooxda reer France oo saddex sannadood oo qandaraas ah u ballan-qaadaysa, iyadoo u diyaarisay mushahar aad uga badan midka uu Real Madrid ka qaato.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More