Grealish, Son, Salah Iyo Qiimaynta 20ka Xiddig Ee Ugu

20ka ciyaartoy ee ugu qiimaynta sarreeya horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan ayaa lasoo saaray, waxaana kaalinta koowaad ka galay xiddig lama filaan ah oo ay naadiyo waaweyn ku dagaallamayaan sidii ay saxeexiisa ugu guuleysan lahaayeen.

Xili ciyaareedkan ayay ruxeen kiisaska Korona Fayraska ee laga diiwaangelinayo garoomada, iyo dhaawacyada halista ah ee ciyaartoyda soo gaadhay, kuwaas oo madax xanuun ku noqday tababareyaasha oo qaarkood ay xulashadu ku yaraatay.

Dhacdooyinka murugada leh ee kiisaska Korona iyo cabsida jirta ee xataa dhaawacyada sida sahlan ku imanaya, kamay hor joogsanin xiddigaha qaarkood inay tayadooda kusoo bandhigaan illaa hadda.

Shabakadda Football Observatory ayaa shaacisay xiddigihii ugu wanaagsanaa horyaalka kulamadii siddeedda ahaa ee  la ciyaaray, waxaana ciyaartoy walba loosoo ururiyey qiimaynta celceliska ee kulan walba uu ka keenay.

Kubbad-sameeyaha ahna kabtanka Aston Villa ee Jack Grealish ayaa kaalinta koowaad kaga soo baxay liiska xiddigaha ugu wanaagsanaa. Laacibkan ayaa dhaliyey afar gool shan kalena caawiye ka ahaa kulamadii kooxdiisa ee xili ciyaareedkan, laakiin waxa u dheeraa inuu ahaa tiir-dhexaadka kooxdiisa ee ka shaqaynayay kubadda quruxda badan ee ay garoomada ka samaynayeen.

Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah oo uu ku dhacay Korona Fayras, isla markaana waddankiisa go’doon ku galay ayaa ku jira kaalinta labaad, kaddib siddeed gool oo uu dhaliyey siddeed ciyaarood oo uu saftay.

Kaalinta ugu dambaysa ee 20aad ayay ku wada jiraan saddexda ciyaartoy ee Gabriel Magalhaes oo ay Arsenal lasoo saxeexatay xagaagii dhowaa, Danny Ings oo Southampton ka caawiyey inay afarta ugu sarreeya ka mid tahay kaddib siddeed kulan oo ay dheeshay iyo Rodri oo dhexda Manchester City ah.

Halkan kaga bogo qiimaynta 20ka ciyaartoy ee ugu wanaagsan xili ciyaareedkan illaa hadda:

=20. Gabriel, Danny Ings and Rodri – 81.6

19. Joe Gomez – 81.6

18. Timo Werner – 81.9

17. Raphinha – 82.1

16. Youri Tielemans – 82.3

15. Fabian Balbuena – 82.3

14. Yerry Mina – 82.6

13. Heung-min Son – 82.6

12. Victor Lindelof – 82.7

11. Jan Bednarek – 82.9

10. James Rodriguez – 84.4

9. James Maddison 84.6

8. Kurt Zouma – 84.6

7. James Ward-Prowse – 85.0

6. Jamie Vardy – 85.3

5. Sadio Mane – 86.6

4. Harry Kane – 87.4

3. Jannik Vestergaard – 88.0

2. Mohamed Salah – 89.0

1. Jack Grealish – 89.9

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More