RASMI: UEFA Oo Shaacisay Dembiyada Iyo Ciqaabaha Ay Marsiinayso Actual

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa shaaciyey in uu bilaabay baadhitaan rasmi ah oo la xidhiidha saddexda kooxood ee Actual Madrid, Barcelona iyo Juventus qaybtii ay ku lahaayeen samaynta tartanka fashilmay ee Tremendous League iyo waliba go’aanka ay ugu sii adkaysanayaan in ay kasii mid yihiin, xilli sagaalkii kooxood ee kale ay raalligelin bixiyeen, kana baxeen tartankaas.

12 kooxood oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn Yurub ayaa saxeexay hindise iyo qorshe ay ku samaysanayeen tartan ay ugu magac-dareen European Tremendous League, laakiin mudaharaadyo iyo canaan kaga timid taageereyaasha, xidhiidhada dalalkooda, khubarada ciyaaraha, xidhiidhada UEFA & FIFA iyo waliba dawladahooda  ayaa waxay keentay in sagaal kooxood ay ka laabtaan go’aankooda oo ay ka baxaan Tremendous League.

Liverpool, Manchester United, AC Milan, Manchester Metropolis, Tottenham, Chelsea, Arsenal, Inter Milan iyo Atletico Madrid ayaa dhamaantood raalligelin bixiyey, una hoggaansamay ganaax malaayiin Euro ah oo ay UEFA kusoo rogtay, waxaanay saxeexeen qaraar UEFA usoo diyaarisay oo ay ku caddeeyeen in aanay mar dambe qayb ka noqon doonin Tremendous League.

Laakiin saddexda kooxood ee Actual Madrid, Barcelona iyo Juventus ayaa kusii adkaysanaya in ay ka mdi yihiin tartanka Tremendous League oo aanay ka baxayn.

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa maanta shaaciyey in saddexdan kooxood ay u saareen guddi anshax oo baadhitaan kusoo sameeya, waxaana dembiyada lagu oogayo ka mid ah in ay meel kaga dhaceen, jabiyeenna sharciga UEFA, taas oo keeni doonta in ciqaab weyn lagu rido.

“Sida uu dhigayo Qodobka 31(4), Guddida Dhawista Shuruucda UEFA, Guddida Anshaxa ee UEFA iyo Guddida kormeereyaashu, waxay magacaabeen guddi baadhitaan ku samaysa suurtogalnimada in kooxaha Actual Madrid FC, FC Barcelona iyo Juventus FC ay jabiyeen shuruucda ay ku shaqayso UEFA, iyagoo wali kusii xidhan waxa  loogu yeedhay mashruuca ‘Tremendous League’.” Ayey UEFA ku tidhi war-saxaafadeed ay soo saartay.

UEFA waxay intaa ku dartay: “Warbixin dheeraad ah oo la xidhiidha arrintan la xidhiidh ayaa la shaacin doonaa.”

Ciqaabaha la filayo in ay kooxahani la kulmaan ayaa waxa ka mid ah ganaaxyo lacageed oo aad u badan, in laga joojiyo ka qayb-galka Champions League iyo sidii uu hore u sheegay madaxweynaha UEFA ee Alexander Ceferin, in ciyaartoyda naadiyadan laga joojiyo in ay xulalkooda u ciyaaraan Koobka Adduunka iyo Euro 2020.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More