Muxuu Farmaajo kala hadlay Madaxweynaha Burundi? – Axadle

Kampala (Axadle) – Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda kula kulmay madaxweynaha Burundi istvariste Ndayishimiye, sida lagu sheegay war ka soo baxay Villa Somalia.

Intii kulanku socday waxay labada madaxweyne ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Burundi Évariste Ndayishimiye waxay ku kulmeen magaalada Kambala ee xarunta dalka Ugandha iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Farmaajo ayaa sidoo kale shalay wadahadal la yeeshay dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni waxayna ka wada hadleen xiriirka labada dal ee amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, halkaas oo labada hoggaamiye ay ku heshiiyeen in la xoojiyo xiriirka qotada dheer ee ku dhisan iskaashiga iyo iskaashiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dhigiisa Yoweri Museveni guushii uu ka gaaray doorashada isagoo shacabka iyo dowladda Uganda u rajeeyay guul iyo barwaaqo.

Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ayaa dhowaan gaarey dalka Uganda isaga iyo Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Marwada Koowaad Seynab Cabdi Macallin, La Taliyaha Madaxweynaha iyo mas’uuliyiin kale, si ay uga qeyb galaan caleema saarka Madaxweyne Museveni.

Bishii Janaayo ee sanadkii 2021 ayay ahayd markii Museveni lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii guud ee dalka, in kasta oo natiijada uu qaadacay hogaamiyaha mucaaradka Bobi Wine.

Madaxweyne Museveni, oo xukunka afgambi kula wareegay 1986, wuxuu xukunka hayey 35 sano wuxuuna ku guuleystey 58.64% codadkii doorashadii baarlamaanka ee ugu dambaysay 14 Janaayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More