DAAWO: Ila Raadiya, Ii Raadiya! Xiddigii Arsenal Ee Ilkuhu Ka Daateen

Garoonka dhexdiisa ayuu soo galay isagoo marba meel ku foorsanaya, waxa uu raadinayay ilig ka dhacay waqtigii ay kooxdiisu sagootinta u samaynaysay difaaca reer Brazil ee David Luiz kulankii ugu dambeeyey horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkii Axaddii shalay lasoo xidhay.

Waxa la arkayay isagoo wali foorara laakiin ay ciyaartooyo kale ku qoslayaa maadaama afkiisu bannaan yahay oo uu ka dhacay ilig, lamana sheegin in uu helay iyo in kale.

Difaaca reer Brazil ee Gabriel Magalhaez ayay afka lagaga dhuftay gacanta waqtigii ay kooxdiisu dabbaal-degga  la samaynaysay Luiz oo inkasta oo aanu ciyaarin haddana garoonka soo galay si loo sagootiyo. Waxa markiiba uu Gabriel waayay mid ka mid ah ilkihiisa oo kaga dhacay garoonka dhexdiisa.

Shaqaalaha garoonka Emirates Stadium oo ay la socdaan dhawr qof oo kale ayaa Gabriel la raadiyey iliga, waxaanay kaamirooyinka garoonku qabteen isagoo ku foorara meel u dhow birta goolka.

Markii ay soo dhamaatay ciyaartii ay Arsenal 2-0 kaga badisay Brighton, David Luiz oo 34 jir ah ayaa soo galay garoonka isagoo yimid badhtamaha garoonka, waxaana kusoo ururay ciyaartoyda Arsenal, iyadoo ay xabbadka is-geliyeen Gabriel ka hor intii aanay ciyaartoyda kooxdu dhinacyada kasoo gelin.

Gabriel ayaa u muuqday in aanu dareemin in iligu ka dhacay, waxaana uu ku war helay ciyaartooyo ku qaslaya oo u tilmaamaya iligga ka maqan.

Halkan ka daawo Gabriel Magalhaes oo iliga ka raadsadaya garoonka dhexdiisa, waxaana caawinaya shaqaalaha kooxda:

Gabriel has been out on the pitch for ages looking for something, he’s now got a few of the coaching staff helping him. I’m pretty sure he’s looking for a tooth. pic.twitter.com/3iirVtbuOP

— Charles Watts (@charles_watts) May 23, 2021

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More