Tottenham ayaa garoonkeeda ku ciyaaraysa markii labaad muddo shan maalmood gudahood ah, waxaanay caawa ku martigelin doontaa Chelsea oo ay ku ballansan yihiin wareegga afraad ee tartanka Carabao Cup, kaas oo midkooda laga badiyo uu si toos ah uga hadhi doono tartanka.Labada kooxood ayuu kulankani ugu soo beegmay xilli ay ku jiraan toddobaad xun oo ay kulamadoodii horyaalka Premier League mid walba barbarro soo gashay, laakiin kooxda tababare Jose Mourinho oo usbuucii kasii horreeyey dhoolatus weyn samaysay ayaa ku niyadsan…