Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Saddex Ciyaartoy Oo Muhiim Ah Oo Manchester City Ka Maqnaan

Tababare Pep Guardiola ayaan heli doonin adeegga ciyaareed ee saddex ka mid ah laacibiintiisa muhiimka ah marka ay usbuuca dambe garoonka Etihad Stadium kusoo dhoweynayaan garoonka, taas oo kusoo beegantay xilli ay City ku jiro xaalad xun.Manchester City oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka aan wax guul ah arag, isla markaana ay Leicester kusoo bahdishay 5-2 ka hor intii aanay Leeds United barbarro 1-1 ah ku qabanin, ayaa waxa uu xili ciyaareedkan cusub ee horyaalka Premier League ugu bilowday xaalad aan…

Hakim Ziyech Oo Iska Soo Baxay Xerada Tababarka Xulka

Hakim Ziyech ayaa iskaga soo tegay xarunta tababarka xulka qaranka Morocco, waxaanu u duulay magaalada London si uu ugu diyaar-garoobo kulanka Chelsea ay kula ballansan tahay Southampton usbuuca dambe.Ziyech oo dhaawac jilibka ahi kasoo gaadhay kulan saaxiibtinimo oo Blues ay la dheeshay Brighton & Hove Albion, ayaan wali nasiib u yeelanin inuu u safto Chelsea kulan Premier League ka tirsan, waxaanu ka qaday kulamadii Brighton, Liverpool, West Ham iyo Crystal Palace.Laacibkan garabka weerarka ayaa muddo kaddib waxa lagu…

Christian Pulisic Oo Ka Hadlay Sharafta Ay Leedahay In No.10

Christian Pulisic ayaa markii ugu horreysay ka hadlay lambarka 10 oo uu xili ciyaareedkan u xidhan doono kooxdiisa Chelsea, kaas oo uu ka dhaxlay laacibka reer Brazil ee Willian oo u wareegay Arsenal.Pulisic oo u dhashay waddanka Maraykanka ayaa xili ciyaareedkiisii u horreeyey waxa uu Chelsea u xidhnaa No.22, laakiin marka uu kasoo laabto dhaawaca uu ku maqan yahay, waxa kulankiisa koowaad ee xili ciyaareedkan uu kula bilaaban doonaa kooxdiisa isaga oo dhabarka ku sita No.10.Laacibkan hore ee Borussia Dortmund oo Chelsea…

Tobankii Xiddig Ee Ugu Wanaagsanaa Xulka Qaranka England Oo

Halyeygii Manchester United ee Sir Bobby Charlton ayaa loo magacaabay xiddigii ugu wanaagsanaa ee soo maray taariikhda xulka qaranka England, kaas oo sannadihii uu ciyaaraha ku jiray guulo ku hoggaamiyey waddankiisa.82 jirkan ayaa waqtigiisii waxa uu ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or, waxaana uu ku suntan yahay taariikhda waddankiisa oo uu baal-dahab ah kaga jiro, waxaana qiimayn la sameeyey uu kaalinta koowaad ka galay toban ciyaartoy oo lagu tilmaamay kuwa ugu fiicnaa Ingiriiska.Charlton waxa waqtigii uu ciyaaraha ku…

Bayern Munich Oo Dalbatay Laf-dhabarta Real Madrid Ee Fede

Bayern Munich oo ku guuleysatay tartanka Champions League, August 28, dhexdana kusii jiidhay Barcelona iyo Olympique Lyonnais ka hor intii aanay finalka isku haleelin PSG oo ay iyagana kaga guuleysteen, ayaa waxay intii uu furnaa suuqa iibka ciyaartoydu ay dalab ka gudbisay laacibka laf-dhabarta u ah Real Madrid ee Fede Valverde oo uu tababare Flick u calmaday inuu qayb ka noqdo dibu-dhiska kooxdiisa iyo inuu sii wadi karo guulaha uu sannadkan gaadhay.Munich oo ogeyn go’aanka xiddigeedii khadka dhexe ee Thiago Alcantara oo…

Daawo Xiddig Chelsea Ka Tirsan Oo Gitaar U Tumaya

Xiddiga khadka dhexe ee Chelsea Jorginho ayaa ku hogaamiyay xulka qaranka Talyaaniga heesta Wonderwall ee ay qaadaan kooxda Oasis isagoo gitaarkiisa la soo baxay xilli ay xulka casho u fadhiyeen.Ciyaaryahanka oo 28 sanno jir ah ayaa madadaaliyay asxaabtiisa xulka qaranka Talyaaniga intii ay casheynayeen ka hor kulanka UEFA Nations League ee ay la ciyaarayaan xulka Poland.Talyaaniga 6-0 ku xasuuqay xulka Moldova habeenkii Arbacada iyadoo Jorginho uu asxaabtiisa ku madadaaliyay inay isku diyaariyaan kulanka weyne e…

Saxiixyadii Man United Ee Edinson Cavani Iyo Donny van de

Heshiisyadii ay Manchester United kula soo wareegtay Edinson Cavani iyo Donny van de Beek ayaa loo magacaabay saxiixyadii ugu xumaa xagaagan sida ay sheegeen wakiilada ciyaartoyda.Red Devils ayaa si bilaash ah kula soo wareegtay Cavani halka ay 35 milyan ginni ku soo iibsadeen Van de Beek oo ka soo wareegay kooxda Ajax.Laakiin wakiilada kubada cagta ayaa isku raacay in Man United ay aheyd inaysan la soo wareegin labadaan xiddig.Wargeyska The Athletic ayaa weydiiyay 18 wakiilo inay u codeeyaan saxiixyadii ugu xumaa…

“Waxaan Doonayaa Inaan Waqtiga Dib Ugu Laabto Oo Aan Burris

Weeraryahanka reer Denmark Niclas Bendtner oo lagu garanayo waqtigiisii uu joogay Arsenal iyo Juventus ayaa ka qoomameynaya waayihiisa kubada cagta isagoo haatan ay da’diisa tahay 32 sanno jir, wuxuu xitaa ku fekerayaa inuu ciyaaraha isaga fariisto.Markii uu ahaa ciyaaryahan da’ yar waxaa Bendtner loo arkayay inuu noqon doono weeraryahanka xiga ee u soo baxaya Arsenal, laakiin hab dhaqankiisa garoonka ka baxsan ayaa saameyn ku yeeshay qaab ciyaareedkiisa.Haatan Bendtner waa xor ka dib markii Korona Fayras uu ka horjoogsaday…

Marcus Rashford Oo La Gudoonsiinayo Abaalmarinta MBE Ee

Marcus Rashford ayaa shaaca ka qaaday inay sharaf u tahay inuu hooyadiis Melanie la kulansiiyo boqorada ka dib markii lagu abaalmariyay abaalmarinta MBE ee ay boqorada bixiso.Xiddiga Manchester United iyo England oo 22 sanno jir ah ayaa abaalmarintaan la gudoonsiinayaan ka dib shaqadii fiicneyd ee uu ka qabtay in caruurta fuqarada ah ay cuno bilaash ah helaan mudada ay iskuulada fasaxa yihiin.Rashford ayaa ku qasbay dowlada Ingariiska inay ka laabato go’aankii ay ku diiday inay quudiso 1.3 milyan caruurta ugu faqiirsan…

Brazil Oo Saaka Tustay Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp

Brazil ayaa isreebreebka ay ugu soo baxayaan Koobka Adduunka ee 2022 waxay ku bilaabatay guul weyn iyagoo saaka 5-0 ku xasuuqay xulka Bolivia.Weeraryahanka Liverpool Roberto Firmino ayaa ka mid ahaa xiddigihii wacdaraha dhigay kulankaan isagoo ka caawiyay xulka Selecao inay sii dheereystaan rikoorkooda aan looga badinin kulan isreebreeb Koob Adduun ah oo gurigooda lagu ciyaarayo, iyagoo haatan maraya 55 kulan.28 jirkaan ayaa dhaliyay goolkii labaad iyo seddexaad ee ciyaarta isagoo goolashiisa xulka Brazil ka dhigay 15 gool…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More