Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
“Cristiano Ronaldo Waxay Isku Mid Yihiin Diego Maradona,
Cristiano Ronaldo waxa uu gaadhsiisan yahay heerkii ciyaareed ee halyeygii reer Argentina ee Diego Mardona, sida uu rumaysan yahay Mircea Lucescu oo ah tababaraha kooxda reer Ukraine ee Dynamo Kiev.Mircea Lucescu oo warbaahinta la hadlay waxa kale oo uu sheegay in tababaraha Juventus ee Andrea Pirlo uu noqon doono tababare wanaagsan oo guulo u gaadha si la mid ah Pep Guardiola iyo Zinedine Zidane.Dynamo Kiev oo tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan ay isku group yihiin Juventus iyo Barcelona oo ay ku wada jiraan…
Fadlan Deg-deg Noo Dhaaf!! Halyey Arsenal Ah Oo Ka Dalbaday
Halyeygii Arsenal ee Martin Keown ayaa u sheegay Mestu Ozil inuu si deg-deg ah uga baxo qolka lebbiska kooxda uu iskaga tago, kaddib markii laacibkan laga reebay ciyaartoyda kooxda uga qayb-geli doonta tartanka Europa League.Martin Keown oo difaaca uga ciyaari jiray Arsenal, waxa uu rumaysan yahay in Mikel Arteta aanu la dhacsanayn Ozil, sababtoo ah, qiimayntiisa ayaa ka hoosaysa midda ciyaartoyda da’yarta ah garoonka kusoo bandhigaan.Ozil oo laga reebay liiska 25ka ciyaartoy ee Mikel Arteta uu u gudbiyey UEFA ee ka…
Edinson Cavani Oo Sharraxay Sababtii Uu Manchester United
Edinson Cavani waxa uu wada-hadallo la yeeshay labada kooxood ee Real Madrid iyo Juventus ka hor intii aanu go’aansanin inuu ku biiro Manchester United.Cavani oo si xor ah uga tegay Juventus bishii June markii uu heshiiskiisu dhamaaday isagoo usoo qaaday lix horyaal, koobab kale oo maxalli ah, ku dhowaad 200 goolna u dhaliyey 301 ciyaar oo uu u saftay, ayaa waxa loo badinayay inuu tegi doono Real Madrid ama Juventus.Laakiin Manchester United ayaa dalab qanciyey hor dhigtay, taas oo keentay inuu hoosta dhigo dalabyadii uu ka…
“Dhawr Maalmood Ayaan La Ooyayay Wixii Barcelona….” Luis
Luis Suarez ayaa markii ugu horreysay qirtay in maalmo dhan uu ku qaatay oohin kaddib wixii ka dhacay Barcelona xagaagan.Laacibkan oo Barcelon ay burburisay heshiiskiisii Camp Nou ayaa waxa uu u wareegay Atletico Madrid oo markiiba uu si fiican ula qabsaday, tiro goolal ahna uu u dhaliyey, laakiin bixitaankiisu ma ahayn mid uu isagu raalli ka ahaa, waxaase ku qasabtay kooxda.Suarez oo u warramay telefishanka AUF TV ayaa waxa uu ka sheekeeyey niyad-jabkii kasoo gaadhay go’aankii kooxda iyo sidii uu tababare Ronald Koeman uu…
Maxaa Ku Dhacay, Halkee Ayayse Ku Dambeeyeen 25kii Da’yar Ee
Laga soo bilaabo sannadkii 2010, Lionel Messi ayaa ahaa halbeegga lagu cabbiro ciyaartoyda soo baxaysa ee laga arko inay leeyihiin hibo ciyaareed, waxaana tobankaa sannadood ee lasoo dhaafay dunida soo maray 25 laacib oo da’yar cajiib ahaa oo lagu sifeeyey inay yihiin ‘xiddigaha xiga Lionel Messi’.Xiddiga Barcelona ayaa taariikh qurux badan uga tegaya kubadda cagta, waxaanu kusoo guuleystay lix Ballon d’Or iyadoo uu yahay laacibka ugu guulaha badan biladda xiddiga adduunka, taas oo ka dhigaysa mid looga tusaale qaato…
Labada Xul Ee Uu Lionel Messi U Ciyaari Karay Ee Aan Aheyn
Kabtanka Barcelona Lionel Messi ayaa u ciyaari karay wadamada Italy ama Spain bedelkii uu u ciyaari lahaa Argentina.33 jirkaan reer Argentina ayaa ku hogaamiyay xulkiisa finalkii Koobka Adduunka ee 2014 iyo finaladii Copa America ee 2015 iyo 2016.Laakiin Messi ayaa si weyn loogu dhaleeceeyay inuu xulkiisa ku hogaamin waayay koob weyn inkastoo uu ku guuleystay kubada dahabka ee Koobkii Adduunka ee 2014 iyo kubada dahabka ee Copa America 2015.Sida ay sheegtay shabada Goal, kabtanka Argentina ayaa u ciyaari karay xulka…
20 Doolar Ma Ku Daawan Laheyd Kulan Premier League? Kooxaha
Taageerayaasha kubada cagta ee dalka Ingariiska ayaa si weyn uga careysan go’aanka ay kooxaha Premier League ku gaareen in kulan walba lagu daawado lacag gaareysa 14.95 ginni oo u dhiganta 20 doolar.Halyeeyga Man United Gary Neville ayaa ku tilmaamay talaabada ay qaadeen kooxaha Premier League mid aad u xun halka taageerayaasha Ingariiska ay sheegeen inay tani la micno tahay in kubadii cagta ay dhimatay.Taageerayaasha ayaa lagu qasbi doonaa in lacag ku daawadaan kulamada aysan baahin doonin Sky Sports iyo BT Sport.Manchester…
Arsenal Oo Jeex-Jeexeysa Qandaraaska Mesut Ozil, Waqtiga Ay
Arsenal ayaa lagu waramayaa inay dib u bilaabeyso wadahadaladii ay kula jirto Mesut Ozil si ay u jeex-jeexaan qandaraaskiisa oo uu isbuucii ku qaato 350 kun ginni.Wargeyska Daily Mail ayaa qoraya in Arsenal ay mar kale wadahadal la geli doonto xiddiga khadka dhexe ee laga masaafuriyay shaxda kooxda si ay mushaharkiisa isaga meeleeyaan bisha Janaayo.Waxaa la fahamsan yahay in Gunners ay xiriir la sameysay Ozil labadii isbuucii ee ugu danbeysay si ay heshiis uga gaaraan sagaalka bilood ee ka harsan qandaraaskiisa.Laakiin…
United Oo Go`aan Ka Gaartay Ole Gunner , Ozil Maxaa Ka Cusub
Om
Press
Upphovsrätt
Kontakta oss
Kreatörer
Annonsera
Utvecklare
Villkor
Sekretess
Policy och säkerhet
Så fungerar YouTube
Testa nya funktioner
© 2020 Google LLC…
Tuug U Dhacay Guriga Cristiano Ronaldo Saaka & Wixii Uu
Guriga Cristiano Ronaldo ee ku yaala jasiirada uu ka soo jeedo ee Madeira ee dalkiisa Portugal ayaa tuug uu u dhacay maanta Oo Jimce ah iyadoo tuuga uu xaday alaabo kaa yaabin doona.Tuuga ayaa doortay inuu xabsi u galo oo uu xado maaliyada Juventus oo uu saxiixay Ronaldo oo taalay guriga iyo alaabo kale oo aan qiimo u laheyn xiddigii hore ee Real Madrid oo guriga yaalay.Sida ay sheegayaan warbaahinta Portugal, tuuga ayaa guriga ka galay garaashka ka dib markii uu mid ka mid ah shaqaalaha guriga uu furay albaabka…