Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Miyay Mendy Iyo Kante Diyaar U Noqonayaan Final-ka Champions League?

Tababaraha kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa ka hadlay haddiiba ay kooxdiisu Final-ka UEFA Champions League helayso xiddigaheeda N’Golo Kante iyo Edouard Mendy oo labaduba dhaawacyo qaba hadda.Kante ayuu gaadhay dhaawac yar oo muruqa ah kulankii Leicester City isaga oo seegay ciyaartii Aston Villa ee shalay halka uu ciyaartaas Villa Park ka dhacday wakhtigii nasashada bedel ku baxay Mendy.Labadaas xiddig ayaa ahaa kuwo muhiim u ahaa wadadii ay Blues u mareen inay gaadhaan Final-ka Champions League, tababare Tuchel ayaa…

SHAXDA SANADKA: Shaxdii Ugu Fiicnayd Premier League Xilli Ciyaareedkan

Shabakadda xogaha dhabta ah kusoo saarta xulashooyinka ciyaaryahanada ee Whoscored ayaa soo saartay shaxdeeda ugu fiican xilli ciyaareedkan ee horyaalka Premier League kaddib markii tartanka si rasmi ah shalay loosoo af-meeray.Shaxda Whoscored ayay si lama filaan ah uga maqan yihiin xiddigo miisaan culus oo laga xusi karo daafaca dhexe ee Man City ee Ruben Dias kaas oo la filayo inuu abaalmarinta xiddiga sanadka ee horyaalka u tartami doono.Aan ku bilawnee goolhayaha shaxdan ayaa ah Emi Martinez oo wacdarro ku dhigay Aston…

Muxuu Tababare Luis Enrique Ka Yidhi Inuu Sergio Ramos Iyo Dhammaan

Tababaraha xulka qaranka Spain ee Luis Enrique ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin sababtii uu guud ahaan xiddigaha Real Madrid uga cidhib-tiray liiska xiddigaha uga qayb galaya tartanka Euro gaar ahaan kabtan Sergio Ramos.Enrique ayaa maanta shaaciyay 24-ka xiddig ee xulka Spain u metelaya Euro 2020 balse aan soo xulan hal ciyaaryahan oo Madrid ah isaga oo bedelkooda soo qaatay Aymeric Laporte oo dhawaan dhalasho u qaatay dalkaas.Enrique ayaa sheegay in isaga shaqadiisu ay tahay inuu go’aano gaadho isla markaana…

WAR LA SUGAYAY: Eden Hazard Oo Doonaya Inuu Iskaga Tago Real Madrid &

Saxafiga aadka looga ixtiraamo dalka Spain ee Edu Aguirre ayaa shaaca ka qaaday war xasaasi ah oo ah in garabka Real Madrid ee Eden Hazard uu doonayo inuu iskaga tago kooxdaas kuna laabto kooxdiisii hore ee Chelsea.Sida uu sheegayo saxafi Aguirre oo ka hawl-gala muuq-baahiyaha El Chiringuito, Hazard ayaan ahayn mid ku faraxsan Real Madrid waxaana intaas u dheer cabsi uu ka qabo in imaatinka Kylian Mbappe uu sii xumeeyo fursadiisa ciyaareed.Hazard ayay labadiisii sano ee ugu horreeyay ee caasimada Spain soo dishoodeen…

LAMA FILAAN: Labada Tababare Ee Uu Sir Alex Ferguson U Doortay Kuwa Uu

Tababaraha halyeeyga ah ee kooxda Manchester United ee Sir Alex Ferguson ayaa doortay laba tababare oo lama filaan ah markii la weydiiyay labada macalin ee shaqo isaga cajab galisay soo qabtay sanadahan ugu dambeeyay.Arrinta yaabka leh ayaa ah in labada tababare ee uu Sir Alex wada doortay ay labaduba kooxahooda kala dhaadhaceen Premier League sanadihii ugu dambeeyay.Ferguson ayaa ah tababaraha ugu guulaha badan taariikhda Premier League kaddib 13 horyaal oo uu kula soo guuleystay Manchester isaga oo min 10 horyaal dheer…

Waa Sidee Xaalada Dhaawac Ee Goolhayaha Chelsea Ee Mendy Miyuuse Gabi

Kooxda Chelsea iyo tababaraheeda Thomas Tuchel ayaa wer-wer xoogan ka qaba xaalada dhaawac ee goolhaye Edouard Mendy kaas oo bedel kaga baxay kulankii ay guuldarrada 2-1 ka ah shalay kala soo kulmeen Aston Villa.Mendy ayaa ku qasbanaaday inuu dhaawac kaga baxo ciyaartaas wakhtigii nasashada kaddib markii uu isku dayay inuu badbaadiyo goolkii furitaanka ee Bertrand Traore balse uu taas bedelkeeda birta goolka jiidhay.Mendy ayaa maanta mari doona tijaabo lagaga samaynayo feedhaha si loogu ogaado heerka uu gaadhsiisan yahay…

TAARIIKH: Cristiano Ronaldo Oo Rekoodh Aan Abid Cidi Uga Horreyn Xalay

Hoggaamiyaha kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaan xalay kahor tagin kooxda Bologna balse haddana rekoodh cajiib ah kala baxay garoonka ciyaartaas kaddib.Juve ayaa guul weyn oo 4-1 ah kasoo gaadhay Bologna kaddib goolal ay ka heshay Chiesa, Rabiot iyo Morata oo laba jeer shabaqa taabtay iyaga oo sidaas ku xaqiiqsaday ka qayb-galka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe.36 sano jirka ree Portugal ayaa bedel aan la adeegsan ka ahaa kulankaas ay Juve booska Champions League kala baxday Napoli oo bar-bardhac la gashay…

Tuchel Oo Dalbaday Kane, Arsenal Oo Ku Dhegtay Odegaard, Wijnaldum Oo

Suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga ayaa furmi doona horraanta bisha June ee foodda innagu soo hayso, waxaana haddaba lasii helayaa xogta xiddigaha ay kooxaha waaweyn isku dayi doonaan in ay lasoo saxeexdaan.Wargeysyada waaweyn ee Yurub ayaa si joogto ah usoo bandhiga wada-hadallada, qorsheyaasha iyo xanta suuqa, waxaana maanta oo Isniin ah qodobbadii ugu waaweynaa ee ay qoreen ka mid ahaa:Manchester United ayaa qiimaynaysa xaaladda xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo la sheegayo in ay suurtogal tahay in uu ka…

DAAWO: Ila Raadiya, Ii Raadiya! Xiddigii Arsenal Ee Ilkuhu Ka Daateen

Garoonka dhexdiisa ayuu soo galay isagoo marba meel ku foorsanaya, waxa uu raadinayay ilig ka dhacay waqtigii ay kooxdiisu sagootinta u samaynaysay difaaca reer Brazil ee David Luiz kulankii ugu dambeeyey horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkii Axaddii shalay lasoo xidhay.Waxa la arkayay isagoo wali foorara laakiin ay ciyaartooyo kale ku qoslayaa maadaama afkiisu bannaan yahay oo uu ka dhacay ilig, lamana sheegin in uu helay iyo in kale.Difaaca reer Brazil ee Gabriel Magalhaez ayay afka lagaga dhuftay gacanta waqtigii…

Paul Scholes Oo Magacaabay Labada Xiddig Oo Ay Waajib Tahay In Man

Manchester United waa in ay samayso laba saxeex oo ay kusoo kordhiso safka tababare Ole Gunnar Solskjaer si ay usoo qaban karto Manchester City oo horyaalka ku guuleysato sida uu sheegay halyeygii kooxdaas ee Paul Scholes.Red Devils ayaa culays badan saaran yahay, iyadoo taageereyaashu ay ku mudaharaadsan yihiin mulkiileyaasha qoyska reer Glazer oo ay ka dalbanayaan in ay kooxda iibiyaan, laakiin waxay qoyskani doonayaan in ay mudaharaadka jamaahiirta  iskaga aamusiiyaan saxeexyo iyo xiddigo ay kooxda keenaan…