Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

CAJIIB: Liverpool Oo Doonaysa In Manchester City & Villarreal Ku

Iyadoo ku jirta dabbaal-deg ka hooseeya heerkii laga filayay oo ah in ay usoo baxeen tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe kaddib markii ay maalintii ugu dambaysay soo galeen kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League, Liverpool ayaa isha ku haysa  labada final ee Champions League iyo Europa League ee kooxaha ay xafiiltamaan ay koobabka ku qaadayaan.Reds oo xilli ciyaareedkan difaacan kari weyday horyaalka Premier League ee ay sannadkii hore ku guuleysatay, waxa xanuun badan ku ah inay aragto Manchester…

Diego Simeone Oo Daboolka Ka Qaaday Wixii Uu Sameeyey Markii Uu Maqlay

Tababaraha kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa daboolka ka qaaday wixii uu smaeeyey markii uu maqlay in kooxdiisu ay haysato fursad ay kula soo saxeexan karayso weeraryahanka reer Uruguay ee Luis Suarez xagaagii hore, markaas oo Barcelona ay u sheegtay in uu iskaga tago Camp Nou.Luis Suarez ayaa door libaax ka qaatay guushii Atletico Madrid ee  horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ee xilli ciyaareedkan, waxaana Diego Simeone uu sheegay in uu sii ogaa, in Suarez uu isbeddel ku samayn karo kooxdaas markii…

Xiddigaha Xulka Qaranka England Ee Maanta Lagu Dhawaaqayo Oo Lagu

Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa maanta ku dhawaaqi doona liiska xiddigaha xulkiisa ee ka qayb-geli doona tartanka Euro 2020 ee  horraanta bisha June bilaabmi doona.Xulalka qaramada ka qayb-gelaya Euro 2020 ayaa laga dhigay 26 halkii ay hore u ahaan uga ahaan jireen 23, laakiin Gareth Southgate ayaa ku darsan doona afar ciyaartoy oo dheeraad ah, taas oo tirada ciyaartoyda xulkiisa ka dhigi doonta 30.Sida uu sheegay David Ornstein oo ka tirsan wargeyska The Athletic, xog laga helay Southgate ayaa…

“Waan Gaarey Hadafkii Aan Hiigsanayay Illaa Maalintii Aan Imid

Mustaqbalka Cristiano Ronaldo ee Juventus ayaa shaki la gelinayaa, kaddib qoraal uu ku daabacay bartiisa INstagram oo uu ku sheegay in uu gaadhay ujeeddadii uu u yimid Talyaaniga.Ronaldo oo qandaraaskiisa Juventus ku eg yahay xagaaga 2022, ayaa lala xidhiidhinayaa tiro kooxo reer Yurub ah oo ay ku jiraan Real Madrid, Paris Saint-Germain iyo Manchester United, waxaana farriinta uu soo qoray lagu tilmaamay mid u muuqata macasalaamayn.“Nolosha iyo xirfadda ciyaartoy kasta oo sare waxay leeyihiin sare u kac iyo hoos u dhac.”…

Pep Guardiola Oo Sharraxay Casharro Uu Ka Bartay Thomas Tuchel Iyo

Pep Guardiola ayaa sheegay in kooxdiisa Manchester City ay ku adkaan doonto in ay joojiyaan ciyaaryahannada Chelsea kulanka finalka Champions League ee Sabtida, isagoo hoostana ka xarriiqay in tababare Thomas Tuchel uu xariif ku yahay sida ciyaartoyda garoonka ku jira looga hago bannaanka.Sabtida ayay labada kooxood ee horyaalka Premier League ka wada dhisan isku haleeli doonaan finalka Champions League iyagoo ku wada ciyaari doona magaalada Porto ee waddanka Portugal. Chelsea ayaa laba jeer oo hore timid finalka Champions…

KOOXDA SANNADKA: Shaxda Kooxdii Ugu Fiicnayd Horyaalka Spain Ee LaLiga

Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa ka helay ciyaaryahannada ugu badan, shaxda kooxdii ugu fiicnayd horyaalka waddanka Spain ee LaLiga, sida lagu sheegay xogta ciyaaryahannadii ugu bandhigga fiicnaa.Shabakadda qiimaynta ciyaartoyda ee CIES Football Observatory ayaa soo xushay shaxda kooxdii ugu wanaagsanayd horyaalka Spain ee LaLiga, taas oo ay u cuskatay xor ururin ay kasoo qaadatay shabakadda OptaPro.Labada kooxood ee Atletico Madrid iyo Barcelona ayaa min saddex ciyaartoy ku yeeshay kooxda ugu wanaagsan sannadka ee…

Maxaa Ka Rumoobay Saadaashii Supercomputer Ee Xilli Ciyaareedkii

Aston Villa ayaa noqotay kooxda dallacaadda ugu weyn ka samaysay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League marka loo eego saadaashii Supercomputer ee bilowgii xilli ciyaareedka ee muujinayay boosaska ay kooxuhu ku kala  dhamaysanayaan.Laakiin Wolves iyo kooxda heerka labaad u degtay ee Sheffield United ayaa noqday kuwa hoos u dhaca ugu weyn ku yimid, sida saadaashaasi sheegaysay.Dean Smith ayaa kooxdiisa Sheffield United ay wacdaro ka dhigtay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii koowaad ee ay kasoo dallacday…

SIR LA HELAY: Alexander-Arnold Oo Laga Reebay Xulka Qaranka England &

Difaaca Liverpool ee Trent Alexander-Arnold ayaa reebay xulka qaranka England ee Salaasada berri lagu dhawaaqayo, sida ay warbaahinta Ingiriisku ku heleen tibaaxo iyo xogo xulka dhexdiisa ah.Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaan illaa hadda wax xidhiidh ah lasoo samaynin Trent Alexander-Arnold, iyadoo caadiyan ciyaaryahannada uu ku darayo xulka uu lasii hadlo maalmo ka hor.Laacibkan oo aan qayb ka noqonin kulamadii xulka ee isreeb-reebka Koobka Adduunka ee bilihii ugu dambeeyey ayaa waxa la sheegay in ay…

“Tani Waa Dhaawac Sii Kordhinaya Dhibaatadaydii Xilli-ciyaareedka, Waa

Xulka qaranka Spain ee ka qayb-geli doona tartanka Euro 2020 ayaa lagu dhawaaqay maanta, waxaana laga reebay kabtan Sergio Ramos oo markii ugu horreysay muddo 18 sannadood ka badan ka maqnaanaya xulkiisa.Laacibkan ayaa ka  hadlay go’aanka tababare Luis Enrique uu ka qaatay ee ah in uu ka reebo xulka qaranka, waxaana uu tilmaamay in ay tahay natiijo ka dhalatay bilihii xumaa iyo xilli ciyaareedkii adkaa ee ay ruxeen dhaawacyo.Qoraal uu Sergio Ramos ku daabacay bartiisa bulshada ee Instagram ayuu ku yidhi: “Kaddib bilo xun iyo…

Harry Maguire Oo Sharraxaad Ka Bixiyey Sababtii Uu Iska Diiday Man

Harry Maguire ayaa sharraxaad ka bixiyey sababtii uu ugu biiray Manchester United isagoo dalab ka haysata Man City sannadkii 2019, markaas oo £80 milyan oo Gini ay United kagala soo wareegtay Leicester City.Ole Gunnar Solskjaer iyo Pep Guardiola ayaa labaduba doonayay saxeexa Maguire, laakiin laacibkan ayaa doorbiday Manchester United.Labada kooxoodba waxay wada-hadallo la yeesheen laacibkan, waxaase kala saaray Maguire oo muddo kooban gudaheed saamayn ku yeeshay kooxda, isagoo noqday kabtanka rasmiga ah xilli ay wada…