Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

“Waxa Uu Tegayaa Koox Qalbigayga Ku Weyn…” – Pep Guardiola Oo

Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa shaaciyey kooxda uu Sergio Aguero u wareegayo, kaddib sagootintii iyo macasalaamayntii ay shalay ugu sameeyeen garoonka Etihad Stadium oo uu laba gool kusii dhaliyey kulankii ay 5-0 ku xasuuqeen Everton.Man City ayaa xilli ciyaareedka kusoo xidhatay guul ay ugu dabbaal-degtay hanashada horyaalka Premier League, waxaanay taasi sagootintii ugu qiimaha badnayd u noqotay Sergio Aguero oo kulankii ugu dambeeyey ee Premier League ah u saftay kooxdaas oo uu muddo 11 sannadood ah u…

QIIMAYN: 50ka Weeraryahan Ee Ugu Wanaagsanaa Taariikhda Premier League

Halyeygii Arsenal ee Thierry Henry ayaa loo magacaabay weeraryahankii ugu wanaagsanaa taariikhda horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaana uu ka horreeyaa halyeygii Newcastle iyo xulka qaranka England ee Alan Shearar.Henry oo ay da’diisu tahay 43 jir ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii ugu fiicnaa ee qarniga 21aad ee afka hore ee weerarka, waxaana uu dhowaan ka mid noqday xiddigaha la geliyey ‘Premier League Hall of Fame’ oo hadda la sameeyey, isla markaana lagu ururinayo ciyaaryahannadii ugu wanaagsanaa, waxaanay…

Isku-aadka Champions League Ee Xilli-ciyaareedka Dambe Iyo Kooxaha

Isku-aadka tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe  ayaa durba qish laga sii helayaa kaddib markii ay soo dhamaadeen xilli ciyaareedyada horyaallada qaaradda Yurub oo Axaddii lasoo gunaanaday.Liverpool ayaa ku jirta dhalada/quraaradda (Pot) 2, inkasta oo ay ku dhamaysatay kaalinta saddexaad ee  horyaalka Premier League, waxaanay ka badbaadday in ay soo gasho dhalada/quraadda 3aad, taas  oo ku beegi lahayd laba kooxood oo kale oo waaweyn oo ay isku group noqon lahaayeen tartanka Champions League ee xilli…

RASMI: Napoli Oo Qaabkii Ugu Xumaa Shaqada Uga Caydhisay Tababare

Kooxda kubadda cagta Napoli ayaa shaqada ka eriday tababaraheedii Gennaro Gattuso kaddib barbarro 1-1 ah oo ay xalay la galeen Hellas Verona, taas oo sababtay in ay ka hadhaan tartanka Champions League oo ay kaalinta shanaad kaga dhamaystaan horyaalka Serie A.Napoli ayaa kaliya u baahnayd in ay guuleysato si ay ugu dhamaysato kaalinta afraad oo ay uga qayb-geli karto tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe, laakiin waxay la  kulmeen barbarro niyad-jab ah, taas oo fursad siisay Juventus oo booska afraad soo…

Immisa Lacag Ah Ayaa La Siinayaa Kooxaha Horyaalka Premier League? –

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa lasoo gabogabeeyey Axaddii iyadoo kaalmaha saddexaad iyo afraad ay soo kala galeen Liverpool iyo Chelsea oo iska dhex-saaray Leicester  City oo shanaad u degtay.Manchester City ayaa ugu dambayntii la guddoonsiiyey koobka horyaalka Premier League oo ay kasoo ceshatay Liverpool oo xilli ciyaareedkii hore ka qaadatay, laakiin xilli ciyaareed adag oo ay soo martay kaalinta saddexaad ku dhamaysatay kulankii ugu dambeeyey.Liverpool oo in muddo ah ka maqnayd afarta sare ayaa guul…

Lille Oo Ku Guuleysatay Horyaalka Ligue 1 & Guulihii Xidhiidhka Ahaa

Kooxda kubadda cagta Lille ayaa ku guuleysatay horyaalka waddanka Faransiiska ee Ligue 1 iyadoo soo afjartay guulihii xidhiidhka ahaa ee PSG oo horyaalka si joogto ah ugu qaadaysay si xidhiidh ah u qaadaysay intii ka dambaysay 2017.Lille oo miisaaniyaddeeda sannadkii ay tahay 150 milyan oo kaliya, isla markaana saddex jibbaar ka hoosaysa PSG ayaa waxay hoggaanka soo haysay inta badan xilli ciyaareedkan, waxaanay guusheeda hanashada horyaalka ku xaqiijisatay guul 2-0 ahaa oo ay caawa ka gaadhay Angers.PSG oo hal dhibic ka…

SHAXDA XILLI CIYAAREEDKA – 11kii Xiddig Ee Ugu Fiicnaa Premier League

Kooxda horyaalka qaaday ee manchester City ayaa xilli ciyaareedka 2020-21 ee Premier League ku soo gabagabeysay sidii ugu fiicneyd iyagoo 5-0 ku xasuuqay kooxda Everton ka hor inta aysan koobka ku qor qaadin 10 kun taageerayaashooda ah oo soo xaadiray garoonka Etihad Stadium.Kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United oo Wolves ku garaacday 2-1 ayaa ku dhameysatay kaalinta labaad, halka Liverpool ay sidii ugu fiicneyd ku soo gabagabeysay xilli ciyaareed xumaa iyagoo 2-0 ku tumay Crystal Palace islamarkaana la wareegay…

Maxay Ahayd Abaal-marintii Labaad Ee Harry Kane La Siiyey, Maxaa se

Weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane ayaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee muddo 22 sannadood ah hal xilli ciyaareed ku wada guuleysta abaal-marinta kabta dahabka ah iyo abaal-marinta kubbad-sameeyaha ugu wanaagsan.Harry Kane ayaa ku guuleystay kabta dahabka ah ee gool-dhalinta horyaalka iyadoo uu saxeexay 23 gool xilli ciyaareedkan, waxaana gool uu dhaliyey kulankii ugu dambeeyey uu ku dhaafay Mohamed Salah oo ay isku dhegganaayeen, isla markaana 22 gool lahaa.Laakiin waxa uu xiddiga reer England ku daray caawin uu…

“Ma Beddeli Karno Isaga, Ma Beddeli Karno” – Pep Guardiola Oo Ilmada

Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ilmada xajisan kari waayey, isla markaana ooyey xilli uu si toos ah ula hadlayay telefishanka Sky Sports.Guardiola ayaa wax laga weydiiyey weeraryahanka reer Argentina ee Sergio Aguero oo kulankiisii ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League u ciyaaray Man City, isla markaana si bilaash ah kaga baxaya kooxdaas oo uu laba gool usii dhaliyey maanta isagoo beddel kusoo galay ciyaartii ay 5-0 ku xasuuqeen Everton.Aguero ayaa soo afjaray toban sannadood oo uu u ciyaarayay…

Maxaa Ku Cusbaa Horyaalka Premier League Ee Maanta Lasoo Gunaanaday?

Horyaalka Ingiriiska Premier League ee galabta lasoo gabogabeeyey ayaa ka sokow dhacdooyinka ciyaareed, kooxaha u degay Europa League iyo kuwa ku dhamaysanaya boosaska niyad-jabka ah, waxa kale oo jiray waxyaabo kale oo ku cusbaa oo laga arkay maanta.Kooxaha Premier League ayay muuqatay in ay isku sii diyaarinayaan xilli ciyaareedka dambe, isla markaana ay qish kasii bixinayaan sida ay u ekaanayaan 2021-21.Everton, Leicester City iyo Liverpool ayaa dhamaantood muuqaallo cusub laga arkay, waxaanay sii tusiyeen…