“Toddobaadka Dambe Laga Bilaabo….” – Madaxweynaha Barcelona Oo

Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa ka hadlay go’aano uu guud ahaan kooxda isbedelo waaweyn uga samayn doono kooxda laga bilaabo toddobaadka dambe.

Madaxweyne Laporta ayaa sheegay in mareeg wakhti ahi ay soo dhammaatay isla markaana uu doonayo inuu fuliyo dayac-tir baahsan oo uu kooxda dib ugu habaynayo kaddib xilli ciyaareedkan 2020-21.

Barca ayaa dhawaan ka gaabisay tartanka horyaalka La Liga waxaana ay u muuqataa inay booska saddexaad kaga dhammaysan doonto xilli ciyaareedkii ugu horreeyay ee uu kooxda hoggaamiyay tababare Ronald Koeman.

Koeman iyo safka kooxdiisa ayaa kusoo guuleystay Copa Del Rey balse sidoo kale xilli hore ka hadhay Champions League oo ay wareega 16-ka kaga cidhib tirtay Paris Saint-Germain.

Laporta oo markii labaad madaxweynaha Barcelona lavatory doortay bishii March ayaa sheegay inuu kooxda dib u habayn ku samaynayo isla markaana uu go’aanada uu gaadhayo bilaabayo toddobaadka dambe.

Joan oo balanqaadkaas weyn u sameeyay taageerayaasha ayaa yidhi “Mareeg ayaa dhammaatay waxaananu ka shaqaynaynaa inaanu fulino dayactir”

“Champions League waxa nalagaga saaray heer aad u horreeya horyaalkana waxaanu ku weynay qaab aan lagu qanci karin, waxaan ka hadlayaa dhammaadka wakhti iyo dib u cusboonaysiin sababtoo ah taasi waa waxa aan filayo in lavatory baahan yahay in la qabto”

“Laga bilaabo toddobaadka dambe waxaanu samaynaynaa go’aano xidhiidh ah wakhtigaas ayaananu faalo ka bixin doonaa”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More