Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Waa Kuma Xiddiga Uu Sergio Aguero Ku Wareejinayo No.10 Oo Uu Sabtida

Weeraryahanka reer Argentina ee Sergio Aguero ayaa ka tegaya Man City marka ay soo dhamaato ciyaarta finalka Champions League ee Sabtida ay kula ballansan yihiin Chelsea, waxaana markaas kaddib bannaanaan doona No.10 oo 11kii sannadood ee ugu dambeeyey uu u xidhnaa kooxdan.Sergio Aguero oo ah ciyaartoyga ugu goolasha badan taariikhda Manchester City ayuu qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka bisha dambe ee June, waxaana lala xidhiidhinayaa tiro kooxo ah oo ay ugu horreyso Barcelona oo la sheegayo inuu heshiis lasii…

DAAWO: Taageereyaasha Manchester United Oo Lagu Laayey Gdansk,

Taageereyaal tiro badan oo Manchester United ah ayaa xalay dhaawacyo soo gaadheen, kaddib markii ay weerarro kusoo qaadeen budhcad u dhalatay Poland, xilli ay jamaahiirtu ku sugnaayeen magaalada Gdansk oo ay caawa ka dhacayso ciyaarta finlka Europa League.Illaa 2500 taageereyaal Manchester United ah ayaa helay kaadhka daawashada kulankan oo ay garoonka ku gelayaan, waxaase wehelinaya kuwo kale oo jibbaysan oo iyagoon garoonka gelaynin bannaanka ka taageeraya kooxda.Halyeygii Manchester United iyo xulka qaranka England ee…

Mark Lawrenson & Rio Ferdinand Oo Saadaaliyey Finalka Europa League –

Ole Gunnar Solskjaer ayaa rajaynaya in koobkiisii ugu horreeyey uu kula guuleysto Manchester United caawa intii uu tabbaaraha ahaa, laakiin waxa hor-taagan Unai Emery oo ah khabiirka tartankan.Caawa ayay garoonka Tom Grennan ee magaalada Gdansk ee waddanka Poland ay foodda isku dari doonaan Manchester United iyo Villarreal, iyadoo ciyaartanna ay goob joog u noqon doonaan 9500 qof oo daawadeyaal ah oo naadi walba uu 2500 taageere ku leeyahay.Khubarada ciyaaraha ee Mark Lawrenson iyo Rio Ferdinand ayaa saadaal ka bixiyey…

Antonio Conte Oo 48 Saacadood Gudahood Isku-casilaya Iyo Kooxda Uu

Warar layaableh ayaa kasoo baxaya waddanka Talyaaniga, waxaanay sheegayaan in tababare Antonio Conte uu go’aansaday in uu iska casilo kooxdiisa Inter Milan, taas oo uu ka baxayo 48 saacadood gudahood.Antonio Conte oo Inter Milan u qaaday horyaalka Talyaaniga ee Serie A, soona afjaray toban sannadood oo ay koobkaas qaadanaysay Juventus ayaa si lama filaan ah waxa  uu u gaadhay go’aan uu kaga tegayo shaqada kooxdaas.Tababarahan Talyaaniga ayaa la filayay in ugu yaraan hal sano oo kale uu sii joogi doono Inter, laakiin…

Real Madrid, Barcelona & Juventus Oo LABA Sannadood Laga Mamnuucayo

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa tallaabo anshax marin ah ka qaadaya kooxaha Real Madrid, Barcelona iyo Juventus oo diiday in ay ka baxaan tartanka Super League ee ay naadiyadii kale ee la samaystay dhamaantood iskaga baxeen.Labada kooxood ee reer Spain oo lagu daray Juventus, waa saddexda kooxood ee kaliya ee ku hadhsan mashruuca fashilmay ee Super League, iyadoo sagaalkii naadi ee kale ay hore u shaaciyeen in ay ka laabteen mashruucaas kaddib mudaharaadyo kaga yimid taageereyaasha iyo culaysyo ay saareen UEFA,…

Waa Immisa Lacagta Ay CAAWA Helayaan Manchester United Iyo Villarreal

Manchester United iyo Villarreal ayaa finalka Europa League ciyaaraya, waxaana finalkii shanaad ee Ole Gunnar Solskjaer uu keeno kooxdan ee aanu marnaba ku guuleysanin wax koob ah, laakiin Unai Emery ayaa saddex jeer oo hore soo qaaday koobakn.Labada kooxood ayaa caawa la guddoonsiin doonaa abaal-marino iyo lacago, waxaana sida la fahmi karayo badsan doonta kooxda ku guuleysta koobka, waxaananu halkan idiinku soo gudbinaynaa wax kasta oo aad uga baahan tahay abaal-marinta lacageed ee ay heli doonto Manchester United ama…

Hordhac: Villarreal vs Man United – FINALKA Europa League, Xogta

Ole Gunnar Solskjaer ayaa rajaynaya in Manchester United uu u qaado koobkiisii ugu horreeyey isagoo tababare ah, isla markaana uu garaaco Villarreal oo ay caawa  ku ballansan yihiin finalka Europa League.Kaddib afar final oo xanuun badnaa oo guul-darrooyin kasoo gaadheen, ayna ku jirtay finalkii tartankan ee xilli ciyaareedkii hore ee Sevilla ay semi-finalkii kusii dhaaftay, Manchester United ayaa mar kale taagan final iyadoo uu waliba hoggaaminayo tababare Solskjaer, waxaanay markan sidii doorarkii hore ay yihiin kooxda loo…

Dani Alves Oo Shaaciyey Dalab Uu Ka Helay Premier League Oo Uu Ka

Halyeyga reer Brazil ee Dani Alves ayaa soo bandhigay dalab uu ka helay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo uu iska beer-darreeyey, kaas oo uu illaa hadda ka qoomamoonayo in uu ka faa’iidaysan waayey.Dani Alves waxa uu ku guuleystay wax walba oo heer kooxeed ah, waxaana uu hoggaaminayaa liiska ciyaartoyda ugu koobabka badan dunida, isagoo ka ciyaaray saddex ka mid ah horyaallada waaweyn. LaLiga, Serie A iyo Ligue 1 ayuu hantiyey, waxa kale oo uu ku guuleystay Champions League waqtigii uu joogay Barcelona,…

QIIMAYN: Kane, Fernandes, Salah – SHANTII Xiddig Ee Ugu Wanaagsanaa

Xilli ciyaareedka 2020/21 ee horyaalka Premier League wuu dhamaaday, waxaana hadda la sugayaa in la magacaabo xiddigihii ugu wanaagsanaa horyaalka iyo boos walba laacibkii ugu qiimaynta sarreeyey.Iyadoo lagu mashquulsan yahay u diyaar-garowga tartanka Euro 2020, waxa aanu qormadan ku eegaynaa qiimayn lagu sameeyey ciyaaryahannadii ugu fiicnaa boos walba, kuwaas oo laga soo qaaday min shantii laacib ee ugu fiicnaa.Qiimayntan oo ay samaysay warbaahinta GMS, ayaa waxa ku jira shan goolhaye, shan difaac dhexe, shan difaac midig,…

Chelsea mise Man City – Wesley Sneijder Oo Saadaaliyey Finalka

Halyeygii khadka dhexe ee reer Netherlands ee Wesley Sneijder ayaa saadaal ka bixiyey kulanka finalka Champions League ee ay Sabtida wada ciyaari doonaan Chelsea iyo Manchester City.Wesley Sneijder oo Champions League kula guuleystay Inter Milan sannadkii 2010, waqtiyo wanaagsanna kusoo qaatay Tottenham iyo Real Madrid ayaa waxa uu aaminsan yahay in kooxda tababare Thomas Tuchel ay leedahay awood ay ku jiidho Man Citiy finalka Champions League.Blues ayaa laba jeer oo hore soo garaacday Man City xilli ciyaareedkan intii uu…