Kylian Mbappe Oo Diiday Inuu Si Cad Uga Hadlo Hadlo Mustaqbalkiisa

Kylian Mbappe ayaa xalay ka caawiyey PSG in ay ku guuleysato koobka Coupe de France iyagoo 2-0 ku garaacay Monaco oo ahayd kooxii uu hore ugu ciyaari jiray Mbappe.

- Advertisement -

22 jirkan reer France ayaa xilli ciyaareedkan koobkii labaad kula guuleystay PSG, waxayse rajaynayaan in horyaalka Ligue 1 ay qaadi doonaan toddobaadka dambe haddii Lille oo hal dhibic ka horreysa la qabto iyadoo min hal kulan oo kali ahi u hadhsan yahay.

Mauro Icardi ayaa goolka koowaad u dhaliyey PSG, midka labaadna waxa ku daray Mbappe, waxaana markii ay dhamaysteen dabbaal-degga koobka ay warbaahintu la hadashay Kylian oo wax laga weydiiyey mustaqbalkiisa.

Laacibkan oo lala xidhiidhinayo in uu xagaagan ka tegayo Parc des Princes, waxa uu ka war-wareegay in uu si cad uga jawaabo su’aal laga weydiiyey mustaqbalkiisa taas beddelkeedana waxa uu awoodda saaray in uu ka hadlo guusha kooxdiisa.

“Waxa aan ku raaxaysanayaa koobka aanu qaadnay, waana shayga ugu muhiimsan. Bal eeg dhamaan dadka halkan jooga ee faraxsan! Guushan ayaa ah waxa ugu muhiimsan, aniga ayaana ah kan ugu farxad badan dadka.” Ayuu kaga jawaabay su’aal laga weydiiyey mustaqbalkiisa.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi: “Maalin walba waxaanu ka shaqaynaa sidii aanu u heli lahayn dareenkan, abaal-marinta iyo aqoonsi. Waa shaqo kooxda dhan iyo shaqaalaha oo si maalinleh ah u hawlan ah. In badan waxa aanu ka fikirnaa taageereyaasha, koobkanna iyagaa iska leh.

“Marka aad u ciyaarto Paris Saint-Germain oo ka mid ah kooxaha ugu wanaagsan dunida, kooxda ugu weyn waddanka {France}, koob kasta oo aad qaaddo taariikhda ayuu gelayaa.”

Difaaca PSG ee Alessandro Florenzi oo wax laga weydiiyey mustaqbalka Mbappe iyo waxa ay filayaan ayaa isaguna yidhi: “Waanu aaminsanahay Mbappe. Waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu wanaagsan dunida. Waxa aanu rajaynaynaa in uu muddo dheer naga sii farxin doono.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More