Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

VIDEO: Daawo Muuqaallada Naxdinta Leh Ee Taageereyaasha Chelsea & Man

Booliska waddanka Portugal ayaa ku mashquulsan sidii ay u kala ilaalin lahaayeen taageereyaasha kooxaha Manchester City iyo Chelsea ka hor ciyaartooda finalka Champions League ee Sabtida ka dhacaysa magaalada Porto.Kumannaan taageereyaasha Man City iyo Chelsea ayaa tegay waddanka Portugal, iyagoo qayb ka noqonaya garoonka Estadio do Dragao iska xaadirin doona si ay kooxahooda uga caawin karaan in ay ku guuleystaan horyaalka Yurub.Laakiin ka hor inta aan ciyaartaba la gaadhin, waxa magaalada Porto ka jirta xaalad ka beddelan…

Pep Guardiola Oo Dhisaya Boqortooyo Cusub, Dalab £100 Milyan Ah Oo Uu

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa u xadhko xidhatay sidii ay ku heli lahayd laacibka khadka dhexe uga ciyaara Aston Villa ee Jack Grealish, kaas oo ay ka dhigatay bartilmaameedka koowaad ee suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga, iyadoo haddaba diyaarisay dalab £100 milyan oo Gini ah oo maalmaha soo socda ay gaadhsiin doonto Villa.Tababare Pep Guardiola ayaa doonaya in uu laacibkan kaga hormaro Manchester United oo iyaduna doonaysa, si ay Man City usii ahaato boqortooyo Ingiriiska ah oo sidii United oo kale sannado badan…

David De Gea Oo Ka Baxay Aamusnaanta, Waxa Uu Ka Yidhi Guul-darradii

Goolhayaha Manchester United ee David de Gea ayaa ugu dambayn ka hadlay guul-darradii kooxdiisa kasoo gaadhay finalka Europa League oo Arbacadii ay Villarreal koobka kaga qaadday rikoodheyaal.David de Gea ayaa khasaariyey rikoodhihii ugu dambeeyey ee kooxdiisa, iyadoo uu awoodi waayey in uu qabto dhamaan 11kii rikoodhe ee ay laagatay Villarreal, waxaase usii dheer oo uu canaan kale ku mutaystay, in uu raaci waayey tilmaantii iyo qishkii tababareyaashiisu siiyeen ee ku saabsanaa halka ay ciyaartoyda Villarreal tooganayeen.Ole…

RASMI: Pep Guardiola Oo Shaaciyey Xiddigaha Man City Ee Finalka

Manchester City ayaa shaacisay magacyada 24 ciyaartoy oo xalay fiidkii ka duulay waddanka Ingiriiska, kana degay magaalada Porto ee waddanka Portugal, halkaas oo Sabtida ay finalka Champions League kula ciyaari doonaan Chelsea.Tababare Pep Guardiola ayaa soo wada qaatay ciyaartoydiisa oo safarka la galay, waxaana uu rajaynayaa in uu rumayn karo riyada kooxdiisa ee ah in ay ku guuleystaan koobkoodii ugu horreeyey ee Champions League ah.Garoonka Estadio do Dragao ayaa marti-gelin doona kulankan, waxaana Man City usoo laabtay…

SAADAAL: Lawro, oCole & Hargreaves Oo Saadaaliyey Finalka Champions

Finalka Champions League ayaa la ciyaari doonaa Sabtida, waxaana markii labaad saddex sannadood gudahood iskugu yimid kulanka ugu dambeeya laba kooxood oo Ingiriis ah, taas oo muujinaysa in awooddii kubadda cagta uu la wareegay horyaalka Premier League.Manchester City oo aan waligeed finalka imanin ayuu Pep Guardiola kasoo saaray inkaartii ku haysatay wareegyada  siddeedda iyo semi-finalka ee ay ku hadhi jireen, waxaanay isku muruxsanayaan Chelsea oo sannadkii 2012 koobkan ku guuleysatay.Labadii jeer ee ugu dambeeyey ee…

Jamie Carragher Oo Xalay Lagu Qasbay Inuu Xidho TIMO DUMAR Oo Pink Ah

Jamie Carragher ayaa lagu qasbay in uu xidho timo dumar oo midabkoodu Pink yahay, xilli uu falanqaynayay kulankii Manchester United iyo Villarreal ee finalka Europa League.Halyeyga Liverpool ayaa hore u galay sharad, kaas oo ahaa in uu timo dhaadheer oo Pink ah xidhan doono haddii Liverpool ay badiso kulankii Old Trafford ee ay Manchester United kaga badiyeen 4-2.Telefishanka Maraykanka ah ee CBS Sports  oo si toos ah u tabinayay kulankii finalka EUROPA LEAGUE, ayaa waxa kasoo muuqday Carragher oo xidhan timo Pink ah,…

Michael Owen Oo Saadaaliyey FINALKA Champions League – Midkee Ayuu

Manchester City iyo Chelsea ayaa Sabtida ku kala calaf-qaadi doona finalka Champions League oo ay ku wada ciyaari doonaan magaalada Porto, iyadoo markii labaad ay laba kooxood oo Ingiriis ahi iskugu yimaaddeen finalka saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey.Manchester City ayay u tahay markii koowaad ee ay timid finalka Champions League, waxaana haddii ay ku guuleystaan ay u noqon doontaa taariikhda markii ugu horreysay ee koobkani u galo diiwaankooda, halka Chelsea ay noqonayso markii labaad ee ay hantaan, waxaana uga …

100-ka Ciyaartoy Ee Ugu Mushaharka Badan Guud Ahaan Isboortiga Iyo

Lionel Messi,  Cristaino Ronaldo iyo Neymar oo kaliya ayaa noqday saddexda ciyaartoy ee kubadda cagta ah ee mushaharkoodu gaadhay ama ka batay $100 milyan dollar, laakiin saddexdoodan oo lagu daray Gareth Bale ayaa ah AFRTA ciyaartoy ee kubadda cagtu ku leeyahay 30ka ciyaartoy ee ugu mushaharka badan guud ahaan isboortiga.100ka ciyaartoy ee isboortiga dunida ugu mushaharka badan ayaa lasoo saaray, waxaana kaalinta koowaad galay feedhyahanka Conor McGregor oo sannadkii sameeya lacag isku-geynteedu tahay $208 milyan oo dollar,…

RASMI: Xiddigaha Chelsea Ee Kulanka Finalka Champions League Ee Man

Edouard Mendy iyo N’Golo Kante ayaa lagu daray liiska ciyaartoyda Chelsea ee maanta u safartay magaalada Porto ee waddanka Portugal, halkaas oo ay Sabtida ku wada ciyaari doonaan Manchester City kulanka finalka Champions League ee xilli ciyaareedkan.Chelsea ayaa shaacisay xiddigaha kooxdeeda ee safarka tegaya, isla markaana taamka u ah, waxaana jamaahiirta farxad geliyey labada ciyaartoy ee N’Golo Kante oo dhaawac muruqa ah kaga maqnaa kulankii Aston Villa ee horyaalka ay kusoo xidheen iyo N’Golo Mendy oo isaguna ku…

Dhago Adayga Ayuu Kaga Daray – David de Gea Oo Iska Diiday Qishkii

Goolhayaha Manchester United ee David de Gea ayaa la siiyey warqad ay ku qoran yihiin dhamaan ciyaartoyda Villarreal u laadayey rikoodheyaasha, waxaana loogu qeexay sirtooda oo dhamaystiran iyo halka ay toogtaan, laakiin goolhayaha reer Spain ayaa ku fashilmay in uu xataa hal rikoodhe badbaadiyo.11kii ciyaartoy ee Villarreal ayaa dhamaantood dhaliyey rikoodheyaasha, waxaana qofka kaliya ee laga qabtay rikoodheyaasha uu noqday David de Gea oo guul-darro usoo jiiday kooxdiisa.Goolhayaha reer Spain ee David Dea Gea ayaa loo…