Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Copa America Oo La Kansalayo, Waqtiga Go’aanka U Dambeeya La Gaadhayo

Madaxweynaha maxkamadda sare ee dalka Brazil (STF) ee Luiz Fux ayaa aqbalay codsi uga yimid wasiir Carmen Lucia oo ka dalbaday in go’aan laga gaadho tartanka Copa America ee dalkaasi martigelinayo.Wasiirka ayaa codsiga uu u gudbiyey maxkamadda waxa uu ku sheegay, in ay tahay inay joojiso in dalkaasi martigeliyo tartanka Copa America oo dhowaan xidhiidhka kubadda cagta Latin America ee CONMEBOL uu u wareejiyey Brazil, kaddib markii ay ka cudur-daarteen Argentina iyo Colombia oo hore loogu doortay in lagu qabto.Fayraska Korona…

Zinedine Zidane Oo La Wareegaya Kooxdii Uu Mar Kale Dunida Ku Qabsan

Kooxda kubadda cagta PSG ayaa u dhaqaaqaysa tababaraha reer France ee Zinedine Zidane oo dhowaan iska casilay Real Madrid oo uu eedaymo na usii jeediyey Florentino Perez, waxaanu beddelayaa Mauricio Pochettino oo dalbaday inuu iska tago.PSG ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyey aan marnaba ka maqnaan warbaahinta ciyaaraha, waxaana inta badan la hadal hayay Mauricio Pochettino oo lix bilood joogay kooxdaas, laakiin doonaya in uu iska tago, isla markaana ku laabto kooxdiisii hore ee Tottenham.Pochettino oo bishii January loo…

Bilyaneerka Reer Sweden Ee Daniel Ek Oo Mar Kale Dalab Ka Gudbinaya

Bilyaneerka reer Sweden ee Daniel Ek ayaa mar kale isku diyaarinaya in uu dalab ka gudbiyo kooxda kubadda cagta Arsenal oo uu doonayo in uu iibsado, waxaanu sare u qaaday lacagtii uu markii hore usoo bandhigay mulkiileyaasha kooxdaas.Daniel Ek oo taageere weyn u ah Arsenal, ayaa bishii hore ka dalbaday Kroenke in uu ka iibiyo kooxda xilli ay jamaahiirta Gunners wadaan mudaharaad ay kaga soo horjeedaan mulkiilaha Maraykanka ah.Daniel Ek ayaa waqtigaas waxa uu Kroenke usoo bandhigay lacag dhan £1.8 bilyan oo Gini oo uu doonayo…

Premier League Oo Ganaax Ku Ridaya Kooxaha Man United, Man

Lixda kooxood ee waaweyn ee horyaalka Premier League ee Manchester United, Manchester City, Liverpool, Arsenal, Chelsea and Tottenham  ayaa lagu ridayaa ganaax iyo ciqaab sabab la xidhiidha qaybtii ay ka ahaayeen tartankii fashilmay ee European Super League.Manchester United, Manchester City, Liverpool, Arsenal, Chelsea and Tottenham ayaa waxay samaynta European Super League ku ehelinayay Real Madrid, Barcelona, Atletico Madrid, Inter Milan, AC Milan iyo Juventus, laakiin waxay iskaga baxay qorshahaas sagaal kooxood halka…

Argentina Oo Ilbidhiqsigii Ugu Dambeeyey La Niyad-jabiyey, Neymar Oo

Xulka qaranka Argentina ayaa niayd-jab la kulmay daqiiqadihii ugu dambeeyey ee kulankii isreeb-reebka Koobka Adduunka 2022 ee ay xalay la ciyaareen Colombia, kaas oo ay iska lumiyeen guul gacanta ugu jirtay.Argentina ayaa shabaqa soo taabatay daqiiqaddii saddexaad ee bilowga ciyaarta, shan daqiiqadood  kaddibna gool labaad ayay ku dareen iyadoo ciyaartuna ahayd 2-0 illaa laga soo gaadhayey qaybtii dambe xilli ciyaarta ka hadhsanaayeen 29 daqiiqadood oo kaliya.Difaaca kooxda Manchester United ay sida weyn u raadinayso ee…

Karim Benzema Oo Dhaawac Soo Gaarey Laba Maalmood Ka Hor Tartanka

Weeraryahanka reer France ee Karim Benzema ayaa dhaawac lagaga saaray qaybta hore ee kulankii saaxiibtinimo ee xalay ay la yeesheen Bulgaria, kaddib markii uu jilibka wax ka noqday, isla markaana uu dalbaday in la beddelo.Xiddigan dhowaanta dib loogu soo celiyey xulka France oo lix sannadood uu ka maqnaa ayaa rajaynayay in uu ciyaaro tartanka qaramada Yurub oo laba maalmood oo kali ahi ay ka hadhsan tahay waqtiga uu bilaabmayo, hase yeeshee waxa hadda uu mugdi ku jiraa  haddii uu awoodi doono inuu ciyaaro.Maanta oo Arbaco…

DEEQSI: Ilkay Gundogan Oo Muujiyey Deeqsinimadiisa & Cidda Qalbigiisa

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Manchester City ee Ilkay Gundogan ayaa ku deeqay gunnadiisii hanashada horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan, taas oo uu siiyey cid qalbigiisa ku weyn oo baahi u qabtay.Ilkay Gundogan oo ahaa ciyaartoyga ugu goolasha badnaa Man City xilli ciyaareedkan, ayaa waxa uu hadda ku sugan yahay xarunta tababarka xulka qaranka Germany ee ay iskugu diyaarinayaan tartanka qaramada Yurub ee Jimcaha bilaabmaya.Kaddib guushiisii xilli-ciyaareedkan, Ilkay Gundogan ayaa dib u xasuustay kooxdii…

Mushaharka Ciyaaryahanadda Xulka Qaranka England, Xiddigaha Dulman Iyo

Mushaharka ciyaartoyda xulka qaranka England ayaa lasoo bandhigay, waxaana ka muuqda farqi weyn oo u dhexeeya ciyaartooyo kala wanaagsan oo kuwooda liita ay mushahar waalli ah qataan.26ka ciyaartoy ee tababare Gareth Southgate uu u xulka qaranka England ee ka qayb-gelaya tartanka qaramada Yurub ee Jimcaha bilaabmaya, ayaa waxay warbaahinta Ingiriisku soo bandhigtay mid walba mushaharka uu ka qaato kooxdiisa.Phil Foden ayaa ah ciyaartoyga labaad ee guud ahaanba ciyaartoyda xulka qaranka England ugu mushaharka yar, waana…

WARBIXIN: 20ka Gool-dhaliye Ee Heerka Sare Ah Ee Ka Qayb-gelaya Euro,

Bobby Lewandowski iyo Kylian Mbappe ayaa hoggaaminaya xiddigaha weerarka ee ugu wanaagsan ee ka qayb-gelaya tartanka Euro 2020 ee Jimcaha bilaabmaya, kaas oo ay sidoo kale ku wehelinayaan 18 ciyaartoy oo kale oo qaab wanaagsan ku jira.Bal ka fikir cidda ku guuleysan doonta abaal-marinta kabta dahabka ah ee tartanka qaramada Yurub? Waa xiddig ka caawin doona dalkiisa in ugu yaraan uu meelaha dambe soo gaadho.Qiimayn lagu sameeyey dhaliyeyaasha ugu wanaagsan ee ka  qayb-gelaya tartanka qaramada Yurub ayaa tiradooda laga dhigay…

Ronaldo, Modric, Neuer: Xiddigaha Ugu Da’da Weyn Euro 2020 Ee Aanad

Shan sannadood ayaa la sugayay tartanka qaramada Yurub ee Jimcaha bilaabmaya. Sharciga ayaa qoraya in afartii sannadoodba hal mar la qabto, laakiin aafadii Fayraska Korona ayaa sababtay in sannadkii hore uu dib u dhaco oo hadda la ciyaaro, waxaanay taasi keentay in ciyaartooyo aan fursad u heleen sannad ka hor ay hadda ku jiraan waddamadooda oo la filayo inay wacdaro dhigaan.Tusaalaha ugu fiican ee Phil Foden oo ka mid ah xiddigaha England isku hallaynayso ee soo baxay sannadkii u dambeeyey iyo Karim Benzema oo tababare…