ISBEDELKA Dunida – Waa Kuma Xiddiga Fasalka 8-aad Ku Jiray EURO 2016

Xulka qaranka England ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay liiska xiddigaha 26-ka ka kooban ee uga qayb galaya tartanka Euro ee bishan dhacaya iyadoo liiskii hordhaca ahaa ee 33-ka ciyaaryahan ahaa laga reebay 7 xiddig.

Xiddiga ugu hadal haynta badan ee laga reebay safka rasmiga ah ayaa ah Jesse Lingard kaas oo xilli ciyaareedka qaabkii ugu fiicnaa kusoo dhammaystay isaga oo West Ham United kasoo caawiyay inay Yurub ka ciyaarto xilli ciyaareedka dambe.

Ciyaaryahan la hadal hayay in laga reebi doono liiska rasmiga ah ayaa ah daafaca midig ee Trent Alexander-Arnold balse tababare Gareth Southgate ayaa go’aansaday inuu afar daafac midig u qaato tartanka.

Haddaba, hal ciyaaryahan oo liiskaas kusoo baxay isla markaana horumar layaab leh soo sameeyay sanadihii ugu dambeeyay ayaa ah da’yarka khadka dhexe ee Jude Bellingham oo 17 sano jir ah.

Bellingham oo kamida xiddigaha wakhtigan ugu muhiimsan Borussia Dortmund ayaa la sheegay inuu markii ugu dambaysay ee EURO la ciyaaray oo ahayd 2016 uu ahaa arday yar oo ku jira fasalka siddeedaad ee dugsiga hoose dhexe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More