Ceeb Ayaa Soo Socota! Fadeexadaha Gareth Southgate Ee Durba Bilaabmay

Taageereyaasha xulka qaranka England ayaa ka walaacsan xaaladda ciyaartoydooda iyadoo aanu wali bilaabmin tartanka qaramada Yurub ee Jimcaha soo socda la daah-furayo, waxaanay sababtu tahay go’aamada tababare Gareth Southgate ee dhimashada ah.

Xulka qaranka England oo haysta ciyaartooyo badan oo ay waliba da’doodu yar tahay, waxa uu Gareth Southgate go’aansaday in uu liiskiisa ciyaartoydiisa uu kusoo daro Jordan Henderson oo muddo dhawr bilood ah u jiifay dhaawac, walina aan ciyaarin iyo Harry Maguire oo tan iyo horraantii bisha May u jiifay dhaawac kasoo gaadhay kuraanta kulankii Aston Villa.

Labadan ciyaartoy oo aan muddada intaas le’eg ciyarin ayaa uu Southgate go’aamiyey in ay xulkiisa qayb ka noqdaan, halka uu ka yimid ciyaartooyo bandhig fiican samaynayay xilli ciyaareedka oo dhan.

Kulankii Austria ee Arbacadii ayaa waxa England ay ku weyday Trent Alexander-Arnold oo Khamiistii la xaqiijiyey in dhaawac soo gaadhay uu ku seegayo tartanka Euro 2020, waxaana la filayaa inuu kusoo beddeli doono mid ka mid ah labada ciyaartoy ee khadka dhexe ee James Ward-Prowse iyo Jesse Lingard, halka ay iyaguna war sugayaan Ben White iyo Ben Godfrey.

Walaaca badani kama taagna Alexander-Arnold, sababtoo ah, waxay marka horeba difaaca midig u haysteen Kyle Walker, Reece James iyo Kieran Trippier, laakiin waxay mushkiladdu ka taagan tahay taam ahaanshaha Harry Maguire iyo Jordan Henderson.

Wargeyska The Sun ayaa sheegay, in labadan ciyaartoy ee Maguire iyo Henderson ee xulka lagu soo daray aanay awoodi doonin in ay gebi ahaanba tartankan ciyaaraan, taas oo haddii ay dhab noqoto fadeexaddii ugu weynayd ku noqon doonta Gareth Southgate, isla markaana dusha loo saari doono guul-darro kasta oo England ay la kulanto.

Arbacadii ayuu tababaruhu sheegay in Henderson iyo Harry Maguire uu xulka ugu soo daray, in ay kasoo kaban karayaan dhaawaca, waxaana uu tibaaxay uu rajaynayo in kabtanka Liverpool uu soo horreeyo oo uu qayb ka noqdo kulanka saaxiibtinimo ee Axadda.

Laakiin wargeyska The Sun ayaa waxa uu maanta boggiisa hore kusoo daabacay warbixin niyad-jabinaysa taageereyaasha, tababarahana ceeb ku ah oo sheegaysa in Henderson iyo Maguire ay yar tahay fursadaha ay ku ciyaari karayaan tartanka Euro 2020.