Barcelona ayaa madax-xanuun iyo xaalad adag ku jirta, waxaanay xal u raadinaysaa ciyaartoydeeda cusub ee ay dhowaanta lasoo saxeexatay ee Sergio Aguero, Memphis Depay, Eric Garcia iyo Emerson, kuwaas oo La Liga uu ka diiway inuu u diiwaangeliyo.Blaugrana oo la sheegay in lagu leeyahay deyn kor u dhaaftay €1 bilyan oo Euro, ayaa waxay u baahan tahay inay iibiso ciyaartoydeeda mushaharka badan ee aan manfaca badan u lahayn, si ay usoo gasho xadka uu La Liga u jeexay ee aanay dhaafi karayn mushaharka ciyaartoydeeda sannadkan…