Magacyada Xiddigaha Barcelona Ee Laga Sugayo Horyaalka Premier League
Kooxaha horyaalka waddanka Ingiriiska ayaa sugaya ciyaartooyo waaweyn oo ka tirsab Barcelona, kuwaas oo la rumaysan yahay in aanay sii joogi doonin Camp Nou, maadaama kooxdaas laga doonayo inay dhinto mushaharka ciyaartoydeeda, isla markaana ay ku soo noqoto laynkii loo jeexay.
Salaasadii ayay warbaahintu sheegtay in Barcelona ay ku jirto xaalad xun oo dhaqaale, isla markaana laga diiday in loo diiwaangeliyo ciyaartoyda cusub ee ay lasoo saxeexatay ee afarta ah, kuwaas oo ay waliba u dheeraanayso arrinta Lionel Messi oo isagana qandaraaskiisu dhamaaday, una baahan in dib loo diiwaangeliyo haddii uu ogolaado heshiis uu kusii joogayo Camp Nou.
Afarta ciyaartoy ee Sergio Aguero, Memphis Depay, Eric Garcia iyo Emerson ayaan u ciyaari doonin Barcelona illaa inta ay kooxdu hoos u dhigayso mushaharka guud ee sannadlaha ah ee ay bixiso, ayna gaadhayso heerkii loo cayimay in aanay ka sarrayn karin.
Joan Laporta ayaa horeba u diray dhawr ciyaartoy oo maalmihii u dambeeyey ka tegay kooxda, waxaana u dambeeyey Francisco Trincao oo amaah ay la socoto iib ugu wareegay Wolves, halka Leeds United ay iibsatay Junior Firpo.
Sidoo kale, Konrad De La Fuenta iyo Jean Claire-Todibo ayaa si rasmi ah ugu wareegay kooxaha Mareielle iyo Nice oo iibsaday. Waxa kale oo intaas raacay, in Matheus Fernandes heshiiskiisii la kansalay, sidaana uu kaga baxay liiska kooxda inkasta oo uu maxkamadda la galay oo uu dacwad furtay.
Iyadoo shantaas ciyaartoy ka baxeen kooxda, wali waxa looga baahan yahay inay ciyaartooyo kale iibiyaan ama amaah ku bixiyaan, waxaana la hadal hayaa shan ciyaartoy oo waaweyn oo dhamaantood laga doonayo horyaalka Premier League.
Philippe Coutinho, Sergio Busquets, Ousmane Dembele, Samuel Umtiti iyo Miralem Pjanic ayay warbaahintu sheegtay in Barcelona diyaar u tahay inay meesha ka saarto, si ay mushaharkooda xad-dhaafka ah uga tirtirto liiskeeda, ayna usoo gasho heerkii loo cayimay ee mushaharka sannadlaha ah.