Afar Gool, Shan Caawimood & Shan Jeer Oo Xiddiga Garoonka Ah – Lionel

Lionel Messi ayaa wacdaro ka dhigaya tartanka qaramada Latin America ee Copa America, iyadoo uu dalkiisa ku hoggaamiyey inay yimaaddaan finalka oo ay Axadda la ciyaari doonaan Brazil.

Lix ciyaarood gudahood, Lionel Messi ayaa dhaliyey afar gool, waxaanu ku darsaday shan caawimood, taas oo ka dhigan in uu sagaal gool oo dalkiisu dhaliyey uu qayb ka qaatay. Waxa kale oo uu raacsaday in uu afar jeer noqday xiddiga garoonka shan ciyaarood gudahood, taas  oo ay waxqabad layaableh.

Kabtanka Argentian ayaa dhaliyey 76 gool 149 ciyaarood oo uu u saftay xulka qarankiisa, waxaanu hal gool oo kaliya u jiraa halyeygii Brazil ee Pele oo 77 gool u dhaliyey xulka dalkiisa, laakiin waxay kala badan yihiin kulamada ay safteen, iyadoo uu Pele u ciyaaray Brazil 92 kulan oo kaliya.

Ciyaartii Colombia ee xalay ay rikoodheyaasha kaga soo badiyeen ee ka dhacday Estadio Nacional de Brazilia, Lionel Messi ayaa isku dayay in uu dhaliyo gool si uu u barbarreeyo rikoodhka goolasha Pele hase yeeshee goolka kaliya ee uu dalkiisu dhaliyey oo uu isagu caawiyey waxa saxeexay Lautaro Martinez.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More