Magaalada Tel Aviv ee waddanka Israel, waxa xalay fiidkii ku wada ciyaaray halyeeyadii kooxaha Real Madrid iyo Barcelona, waxaana libinta qaatay Los Blancos oo gool uu qaybtii dambe u dhaliyey Ruben de la Red uu u go’aamiyey guusha.Xiddigihii hawlgabka noqday ee labadan kooxood ee labada kooxood u ciyaaray ayaa waxa ka mid ahaa Ronaldinho, Rivaldo, Luis Figo iyo Roberto Carlos ayaa waxa garoonka Bloomfield Stadium ku daawaday 25,000 qof oo uu Ronaldinho ku madadaaliyey garoonka gudihiisa.Ciyaartan oo kusoo dhamaatay 3-2 ay…