RASMI: Thomas Tuchel Oo Ka Hadlay Sababtii Loo Baajiyey Kulankii

Chelsea ayaa ka hadashay sababtii loo baajiyey ciyaartii saaxiibtinimo ee Khamiistii maanta ay la ciyaari lahaayeen kooxda reer Ireland ee Drogheda United, taas oo ka dhici lahayd magaalada Dublin.

Blues ayaa shalay gaadhay Ireland oo ay ku qaadan doonto tababarka ay iskugu diyaarinayso xilli ciyaareedka cusub, waxaanay halkaas ku yeelan doontaakulamo saaxiibtinimo oo midkii ugu horreeyey ay ahayd inay qabsoonto fiidkii caawa.

Ciyaartan oo bilaabmi lahayd 8:30pm – waqtiga Geeska Afrika, kana dhici lahayd xarunta ay tababarka ku qaadanayso Chelsea ee Maynooth, County Kildare ayaa si lama filaan ah ay kooxdu u sheegtay in aan la ciyaari doonin, waxaana sababta sharraxay tababare Thomas Tuchel oo la hadlay warbaahinta.

Tababaraha reer Germany ayaa sheegay in ciyaartan loo baajiyey shaki la xidhiidha fayraska Korona oo ciyaartoyda qaarkood looga shakiyey, taas oo keentay in gebi ahaanba ciyaartan la joojiyo.

Dhinaca kale, afhayeen u hadlay Chelsea ayaa yidhi: “Waqti hore oo maanta ah, waxa baadhitaan aanu samaynay aanu ku helnay hal kiis oo Fayraska Korona ah. Qofkaas karantiil ayaa laga geliyey kooxda inteeda kale. Waxa kale oo aanu go’aaminay, in taxadar ahaan loo kansalo ciyaartii caawa ee albaabadu u xidhnaayeen ee Drogheda.”

Blues ayaa kulankeeda ugu soo horreeya waxay la ciyaari doontaa Bournemouth oo July 27 ay ballansan yihiin, waxaanay ciyaartaasi ka dhici doontaa garoonka Vitality Stadium ka hor inta aanay labada ciyaarood ee saaxiibtinimo ee Arsenal iyo Chelsea isku diyaarinin horraanta bisha August. Labadan kulan ayaa lacagta kasoo xeroota loogu deeqi doonaa dadka xanuunada dhimirka qaba.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More