Pedri, Rashford, Mount: Xiddigihii Ugu Safashada Badnaa

Xiddigihii kulamada ugu badan saftay xilli ciyaareedkii hore ee dhamaan tartamada ayaa la shaaciyey, waxaana kaalinta koowaad ku jira kubbad-sameeyaha Manchester United iyo xulka Portugal ee Bruno Fernandes, laakiin ay suurtogal tahay in lagala wareego.

Laga soo bilaabo tartankii European Nations ee qaramada Yurub oo lagu daray Euro 2020 illaa lasii raaciyey ciyaarihii isreeb-reebka Koobka Adduunka iyo horyaalladii dhamaaday, Fernandes ayaa ciyaaray 72 kulan oo iskugu jira kuwo caalami ah iyo kuwo maxalli ah.

Mason Mount oo khadka dhexe uga ciyaara Chelsea ayaa kaalinta labaad ku jira oo kasoo muuqday 69 ciyarood, balse isagana waxa aan waxba  u jirin oo hal ciyaar ka dambeeya da’yarka Spain iyo Barcelona ee Pedri oo xilli ciyaareed layaab lahaa soo qaatay, isla markaana saftay 68 ciyaarood.

Pedri oo 18 jir ah ayaa haddana ka qayb-gelaya tartanka Olombikada adduunka ee ka socda magaalada Tokyo oo uu waddankiisa Spain ku metelayo, waxaanu sii dheeraysan karayaa tirada kulamada uu saftay oo uu ku dhaafi karayo Fernandes oo afar ciyaarood ka badan iyo Mount oo hal kulan uu u jiro.

Halkan kaga bogo ciyaartoyda safatay kulamadii ugu badnaa:

30. Raheem Sterling (Manchester City & England) – 61 ciyaarood

29. Glen Kamara (Rangers & Finland) – 61 ciyaarood

28. Kylian Mbappe (Paris Saint-Germain & France) – 61 ciyaarood

27. Dejan Kulusevski (Juventus & Sweden) – 61 ciyaarood

26. Duvan Zapata (Atalanta & Colombia) – 62 ciyaarood

25. Luuk de Jong (Sevilla & Holland) – 62 ciyaarood

24. Luka Modric (Real Madrid & Croatia) – 63 ciyaarood

23. Hugo Lloris (Tottenham & France) – 63 ciyaarood

22. Haris Seferovic (Benfica & Switzerland) – 63 ciyaarood

21. Harry Maguire (Manchester United & England) – 63 ciyaarood

20. Scott McTominay (Manchester United & Scotland) – 63 ciyaarood

19. Nicolo Barella (Inter Milan & Italy) – 63 ciyaarood

18. Dani Olmo (RB Leipzig & Spain) – 63 ciyaarood

17. Andrew Robertson (Liverpool & Scotland) – 64 ciyaarood

16. Dominik Livakovic (Dinamo Zagreb & Croatia) – 64 ciyaarood

15. Harry Kane (Tottenham & England) – 65 ciyaarood

14. Timo Werner (Chelsea & Germany) – 65 ciyaarood

13. Marcus Rashford (Manchester United & England) – 65 ciyaarood

12. Gianluigi Donnarumma (AC Milan & Italy) – 65 ciyaarood

11. Kasper Schmeichel (Leicester City & Denmark) – 66 ciyaarood

10. Youri Tielemans (Leicester City & Belgium) – 66 ciyaarood

9. Rodri (Manchester City & Spain) – 67 ciyaarood

8. Pierre-Emile Hojbjerg (Tottenham & Denmark) – 67 ciyaarood

7. Frenkie de Jong (Barcelona & Holland) – 67 ciyaarood

6. Ruben Dias (Manchester City & Portugal) – 68 ciyaarood

5. Antoine Griezmann (Barcelona & France) – 68 ciyaarood

4. Gini Wijnaldum (Liverpool & Holland) – 68 ciyaarood

3. Pedri (Barcelona & Spain) – 68 ciyaarood

2. Mason Mount (Chelsea & England) – 69 ciyaarood

1. Bruno Fernandes (Manchester United & Portugal) – 72 ciyaarood

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More